ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2015 Q/2-aad
ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2015 Q/2-aad Qoraa:- Dr. Maxamed Faarax Qoti (Astrologist) 28/Dec/2014, Q/2-aad Habeenka curashada Sannadka cusub ee 2015 dayaxu wuxuu fadhiyey burjiga lamaanaha ee hawaa’iga ah, - dayax tobnaad waa la sharaynsan jiray waxaana la fili jiray dayax madoobaad, waxa la filan jiray inay maalmahani leeyihiin shucuur isbedel dhakhso ah oo ku yimaada qalbiyada dadka, dabacsanaan iyo koradhka Xawaaraha fikirka, waxa kaloo la arki jiray dabaylo, duufaano, daadad, shimbiraha iyo Ayaxa oo bata, awoodda salaadiinta, ganacsiga kalluunka oo yaraada. dadka habeenkaa dhasha waxa la odhan jiray waa dad bulshaawi ah oo hadalka jecel, kuna mashquulsan mustaqbalkooda iyo fikradaha cusub, had iyo jeerna leh degdeg badan oo xamaasadi ku jirto, oo ka walaaca hawadooda iyo doorashadoodana, umana qaalibna shuraakaddu, waa kuwo loo arko aamin iyo daacadnimo, in ka...