Anigaa dilay ee ha la ii duceeyo
Wali waxaynu ku guda jirnaa sheekooyinkeenii haalaasiga ahaa, waxaynu maanta ku soo qaadan doonaa, Laba Nin oo makaahiil ah ayaa dagaalamay oo gacanta iskula tagay, mid ka mid ah ayaa la dilay oo dhintay, cid ogeydna may jirin, meydkiina waa la iska aastay, dhibgeystihiina wuu abraaray. Dhibanaha, Qofka aan caqligiisu dhamayn, maganta iyo maatidaba marka aad masuulka ka tahay inaad xaqooda baadi doontaana waa jid, haddii xaq aanay lahayn ay sitaana waa inaad garowshiiyo ka bixisaa oo aad maareysaa sidii xal loogu heli lahaa. Nin xidaariya ayaa ka fikirayey arrintan xal-uheliddeeda, illayn waa tii hore loo yidhi, (Raq-ba waa ku rageed), kaasoo ka mid ahaa raggii arrintan wax ka qabashadeeda lahaa, manaanay jirin cid kale oo uu iskaga riixaa, isaga oo ay weheliyaan laba Oday oo dhaweeye ah, ayaa u yimid, Nin Cabdi-dheere la odhan jiray, waxaannu Ninkii xidaariga ahaa ku yidhi, Cabdow maxaad golaha u iman weyday ? Cabdi-dheere wuxuu uga hal celiyey weydiin kale oo ahayd, Goluhu muxu...