Caqli yare caaqilka Cali Aw-muuse
Caaqilladii hore waxay ahaan jireen kuwo yaqaanay garta ay ka garnaqayaan nooca ay tahay iyo waxa ay ku dhamaanayso, haddii ay muslax tahay iyo haddii gar-cadaawe tahayba, waxaase jiray oo la odhan jiray Samatalis (Nin daacad ah) iyo Hadimo-talis (Nin aan daacad ahayn), taasoo ahayd laba calaamadood ee lagu kala sooci jiray ragga had iyo goor garaha galli jiray. Qofkuna waxa uu yaqaanay sida uu ku gar helayo iyo inay gari meesha ugu jirto iyo inkale, waxa dhici jirtay in la kala gar-helo, iyadoo ay gartu noqon jirtay gar-caddaaladeed iyo gar-eexo, haddii qofka uu gardiid noqdo'na dhaqanka iyo xeerka ceebbay ku ahaan jirtay, haddii laga gar helo'na garawshiinyo ayuu ka bixin jiray, haddii kalese waxa ay ku noqon jirtay inuu qaato gun-nimo, laakiin ninku wuu gar-qaadan jiray, taasina waxay qeyb ka ahayd hiddosamida dhaqanka iyo gobanimada dadka reer Somaliland uu lahaan jiray. Caqli yare, garaad laawe Caaqil Cali Aw-muuse oo dhawaan isku caleemo saaray in uu yahay Caaqilka ju...