Posts

Showing posts from February, 2025

Qalbi Gudhan Miyaa Qosol Lagu Godlaa

Image
Shaqaalaha Dowladdu waa asadka kaliyaata ee umaddi ku faanto waanna salaanka lagu gaadho midho-dhalka himilada iyo horumarka dhaqaalaha dowladdaha, shaqaalaha dowladda waxa ku baxay tacab badan iyo wakhti dheer, sidii kor loogu qaadilahaa aqoontooda waayo-aragnimo iyo awooddooda xirfaddeed. Laakiinse, mar kasta oo uu yimaado maamul cusub, waxay wax ka beddelaan nidaamkii iyo tixraacyadii hore ee soo jireenka ahaa iyagoo dib u yegleela shaqaale cusub iyo nidaam cusub oo bar billow ah, waxaannay taasi ku keentaa in uu dib u dhac ku yimaado hannaanka geedi socodka nidaamka dowladnimo. Masuuliyiinta aqoonta dheer lihi waxa ay isticmaalaan hab raaca lagu qiimeeyo shaqaalaha dowladdaha wax-qabadkooga shaqo, aqoontooda iyo waayo aragnimada ay u leeyihiin dhinaca, siyaasaddaha, nidaamka iyo xeerarka u dejisan dawladdooda, ka midho dhalinta hatafka la hiigsanayo, awooddooda hoggaamineed, u heelannaanta adeegyada dadweynaha, kobcinta xidhiidhka iskaashi, isku-xidhka daneeyayaasha, dadweynaha ...