Masaajiddada ugu faca-weyn
Wali waxa aynu ku guda jirnaa sheekooyinkeenii halaasiga badnaa iyo sooyaalkii taariikeed, maanta waxa aynu halkan ku soo qaadan doonaa sideedda masaajid ee ugu cimriga dheer leh dunnida, Masaajidka koowaad waa Al- Xaramayn, runtii lama yaqaano wakhtiga la bineeyey dhismaha masaajidkan, balse, waxa lagu tilmaamaa in uu yahay masaajidka ugu faca weyn aduunka. Sidoo kale, Kacbada ayaa ah goobta ugu xurmada mudan Diinta Islaamka, goobtaas oo dadka muslimiinta ahi ay u tagaan sidii ay u gudan lahaayeen cimrada iyo gudashada waajibaadka Xajka sannadkiiba hal mar, taas marka aynu ka nimaadno, Masaajidkani waxa uu leeyahay dhowr goobood oo aad muhiim u ah, sida, Dhagaxa Madow, Qabrigii Nabi Ibraahim (C.S,), Ceelka Samsamka ah, Buuraha Safa iyo Marwa, dhismaha Masjidkan ayaa dib u habeyn iyo ballaadhin lagu sameynaayey qarniyo aad u badan. Culimada Islaamka qaarkood ayaa aaminsan in Dhagaxa Madow uu yahay mid ka hadhay dhismihii asalka ahaa ee lagu dhisayey masjidkan, wakhtigan aynu jo...