Taaladii Xusuus Reebka ahayd
Ninbaa laga hayey Kaaraa I'jiidhay, muu soo hadal qaadeen, walee Miig baan goob çidla ah ka hellin oo aan rusheyn, markaan arko dhalin yaro badan oo isku hoos sawiraaya taalada xusuusta dheer leh ee loo sameeyey xasuuqii ciidamadii taliskii Siyaad Barre u geysteen shacbiga reer Somaliland, Taaladaas oo guudkeeda la dul saaray mid ka mid ah diyaaraddihii dagaalka ee loo yaqaano Mig-17 kuwaasoo ka haadi jiray gegeda diyaaraddaha caasimadda Hargeysa, ayaa haddana waxay dib u rusheyn jireen dadkii rayidka ahaa ee ka barro kacay Isla Caasimadda Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland, Taaladan xusuus reebka ah markaan arko waxay igu beertaa dareen gaar oo dib ii xusuusiya maalmihii qadhàadhaa, Miigaas oo ay wadaan laba duuliye oo lla beegsanaayey hubka darandooriga udhaca, iyo xeeladdii aan kaga bedbaadi jiray. Markii ay soo galeen Caasimadda Hargeysa ciidamadii xaq u dirirka wadaniga Soomaaliyeed ee SNM (Somali National Movement) taariikhdu markay ahayd ...