Posts

Showing posts from February, 2021

Waa taariikhdii loo soo maray Codeyntii Dastuurka Qaranka jamhuuriyadda Somaliland

  Waa dhacdo taariikhiya oo uu ku baahiyey bartiisa muuqaal araga ,id ka mid ah mareegaha muuqaal araga ee magaciisa la yidhaahdo Saxartire.news, taariikhdaas oo ahayd wakhtigii lagu jiray codeyntii Dastuurka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, taariikhdu markay ahayd 30-kii bishii shanaad ee sannadkii 2001  

Askarigii Jeclaaday Wasiiraddii Uu Illaaliyaha u Ahaa

Image
Askari Illaalo u ahaa wasiirad  ka  mid ahayd Gollihii wasiiradda xukumaddii  ex,ex, oo qabay  gabadh u dhashay afar wiil iyo shan hablood,  askarigaas oo muddo dheer illaalo u ahaan jiray wasiiraddaas ayaa markii danbe ku eegay ill kalgacal leh, askarigan waxa uu had iyo jeer fuuli jiray kurrsiga hore ee gaadhiga wasiiradda, isla markaana waxa uu muraayadda hore ee gaadhiga ka daawan jiray  kursiga danbe ee ay saaarneyd wasiiraddu, taasoo wasiiradduna ay u arki jirtay had iyo goor nin feejigan oo illaalinaya, lana socda dhaq-dhaqaaqeeda iyo dareenkeeda. Wasiiraddu waxay ahayd shaqsiyad qalbi furn oo aad u naxariis badaneyd, isla markaana askarigan waxay ka dhigatay gacan yare u adeega, waanay caawin jirtay oo way guneyn jirtay, waxaanay la socotay duruufaha nolloleed ee ku gadaamnaa qoyskiisa wakhtigaas. Maalin maalmaha ka mid ah waxa uu u waraaq ku qoray qoraal si farshaxannimo leh loo agaasimay, qoraalkaas oo ka turjumaayey qaabkii uu u halleelay...