
Haddana
aadamuhu ma’daayo saadaasha iyo odoroska mustaqbalka, waxaanay jeclaystaan in
ay wax ka ogaadaan wakhtiga fooda ku soo haya ee la xidhiidha waayahooda,
balse, umay fiirsan dhibta ku jirta ogaanshahoodaasi, sababtoo ah, uma-adkeysan
karaan haddii ay xogogaal u noqon lahaayeen ayaamaha ku soo foolka leh
noloshooda saamiga ay ku leeyihiin farxad iyo naxdin.
Balse,
ku dhaqanka saadaasha xidiggaha waa mid ku saleysan qaab-nololeedka bulshaweyntu ugu sahamiyaan beerahooda,
xoolahooda iyo noloshoodaba, waxaana arrimaha saadaasha xidigaha wax laga
weydiiyaa dad khibrad gaar-ah u leh arrimaha xidigiska iyo saadaasha, taasoo ay
ku falanqeeyaan isbedelka cimilada, hawada, bad-maaxida, dowladaha.
Haddaba,
waxa aynu malle aadame ku male’awaalno, Odoroska mustaqbalka saadaasha Sannadka
Cusub ee 2020-ka, waxaanay odhan jireen, Dadka ku xeelka-dheer leh, cilmiga
odoroska xidigaha “Waxaanu u eegnay Mooro, Meere iyo Maalin,”
Moorada
Sannadkan 2020-ka wuxuu
ku beegmay Moorada Nayruus Arbacaad, waxa loo nisbeeyo astaanta lixaad ee
burjiga dabooje, waxay ku Aadan tahay muddada u dhaxaysa 23/8-22/9, godadka dayaxu uu mara waxay ku leedahay Koxdin-cawo
iyo Garbo dirir, waa xilliga madhtamaha xaggaaga, waa burji arliya ah,
waana dhadig, habeenle ah, waa qabow iyo dheel engagan, jihadiisu waa waqooy.
Waxa
loo eegaa xaaladdaha qiimeynta hawlaha, go’aan qaadashadda, caafimaadka,
muuqaalka hawlaha waxqabadka gaar ahaan, xoollaha nool iyo beeraha, rabitaanka
nadiifinta wasakhowga hawada, nadiifinta
deegaanka, isku xidhnaanshaha xidhiidhka saaxiibtinnimo, isticmaalka
feejignaanta iyadoo la isku dayaayo qiimeynta waxyaabaha kale, waxa laga yaabaa
in ay ka soo gudbaan xadka wax badan oo aan macno’ba lahayn.
Dhinaca
Siyaasadda:
waxa la saadaalin jiray in la arko isbeddelo siyaasadeed oo ku yimaadda habka hoggaaminta, qaab-dhismeedka
dowladdaha madaxabannaan waxa dibaddaha kaga yimaadaan maamul ay wadaan wadamo
kale, rumeysashada isgaadhsiinta, isla-weynida,
xilligaas marka uu billaabmo dhaqdhaqaaqaasi ayey u iftiimi doontaa
hoggaamiyayaasha, waxaana haboon in ay ka foggaadaan danta gaarka ah, kana
shaqeeyaan danta guud iyadoo ay wehelinayso dabacsanaan badan, waxa kale oo la arki jiray, hufnaan iyo isla
xisaabtan dhexmara hoggaamiyeyaasha dowladdaha, iskudhacyo badan oo ah dhinaca
ciidamadan cirka, xidhiidhka hayaddaha dowladdaha, kala sarreynta, dhaqaalaha, xukuumadaha,
goobaha ay noloshoodu ay aadka u adag tahay, waa in la doorbidaa in la iska
dhaafo wixii la soo dhaafay, lana jeexo dariiq cusub oo ah, dhinaca awoodaha
xukumadaha iyo in la hello dareenka amniga.
Sidoo
kalena, wakhtigan waxa la odhan jiray, dowladuhu waxay ku beegmaan xilli uu
jiro kacdoon dowladdeed iyo iffafaalo carqaladeed, dhinaca doorashooyinka
Sannadkan 2020-ka, waxa suuro-gal ah
in uu jahwareerkaasi isku beddelo
daruuro lama filaan ah oo wata
ceeryaamo jahwareer oo sababa khilaaf,
Dadku
waxay ku sugan yihiin wakhtigan xaadirka ah: Waxa lala xidhiidhiyaa in la taageeri doonaa soo saarista
qaab-dhismeedka ka qarsoon bulshada, isla markaa loo iiftiimiyo wixii ka
qarsoonaa si ay u ogaadaan, la arkee wadajir qarsoodiya, waxa laga yaabaa in ay
saameysay waxyaabihii hore ee dad badani sameyn jireen, sababtoo ah, waxa
saameyn ku yeeshay fikirkoodii ama aamuskoodii ay ka aamuseen aragtiyihii aan
loo soo bandhigin bulshada xilliyadii la soo dhaafay, waxa furmi doonna albaabo
badan oo si gaar ah u xidhnaa, waxay
taasi iftiiminaysaa ujeedooyin wanaagasan,
waa xilligii la isdaahirinaayey, cibaaddada iyo ficilladii wanaagsanaa
ee ay baabiiyeen mugdigii hore ee qarsoonnaa.
Geedi socodka qulqulka iftiinkaasi waxa uu inoo
muujin doonaa wadajirka bulshada,
waxaanay fursad siin doonataa awood wada-jirta in wax lagaga qabto wixii
la arko, ha noqoto mid shaqsiyadeed ama wadareedba, waxa laga yaabaa in awoodaas lagu tijaabiyo
xeerarkii hore ee la jabiyey in lagu hagaajiyo,
ugu danbeynta, dhamaanteen waxa aynu ogaan doonaa awoodaha dhabta ee ku
dhex-jira xidhiidhka nafteena iyo ruuxdeena, taasoo si wada-jir ah u feydi
doonta caqabadaha dibada innaga haysata,
waxa iman doonta marka jihada quman lagu soo noqdo, in uu qofkastaaba
ogaado in tamartii wanaagsanayed wax baabiisay, ayey aduunku dib uga faalloon
doonaa, dhinaca xidhiidhka is-fahamka iyo
wacyi galinta.
Waxa kale, oo dad badani isku xil-qaami doonnaan in
ay wax ka badelaan xassadka, iimaan la’aanta nafta iyo ruuxda. sababtoo waxa ay
dhaawacaysaa dareenka xassiloonida, dareenka caddaaladda iyo dareenka
garsoorka, waayo, waxa jira dad ficilladoodu kicin doonnaan dareenka dadka, waa
kuwa sameystay dhismayaasha dhaadheer ee
lamaanaha ah, sidoo kale’na, dhalin yaro badan ayaa xooga saaraysa
(sida caadaysiga ciyaaraha kombiyuutarka), had iyo goor arrimahaas waxa lagu
gartaa dadka aan dhameyn "autistic."
Faraxa Dayaxa
burjigan waxa loo eegaa Afartan waji ee kala ah:-
wajiga koowaad: Safarka-hawada, wax is dhaafsiga, qorayaasha,
buuggaagta, karaaniyayaasha, huga, ganacsiga, ka-ganacsiga qalabka wax lagu
qoro, aftahannimada, garaadka, maan-galnimada,
dhalinyarada, taariikhda, nadaafadda, neerfaha, Neefta, dabaylaha, hadalka,
luuqaddaha, waraaqaha, qoraalada, tifatirida, fariimaha, xayeysiiska, wacyigalinta, fariimaha waraaqaha,
seenyaalaysiga, isgaadhsiinta, teebabka, macdanta meerkuriga (biraha),
gaaddiidka,
Wajiga labaad :- Muqaddasnimada, Jahwareerka, jabka,
waxyaabaha qallafsan, cabitaanka maan-dooriyaha , khiyaamada qotoda-dheer leh,
musuqmaasuq, af-duubka, sumowga badaha,
fikraddaha khiyaaliga ah, xasilooni-darro, waxa qarsoon, kala-diridda, riyada,
badaha, qoob ka ciyaarka, qiiqa, hantiwadaagga, debacsanaanta, xaddeynta,
xijaabka, biyaha, Hillowga , dib u habaynta, hadafka, isbedelka,
farshaxannimada…
Wajiga saddexaadna:- Shuuciyadda, dabaaldegyada, rajada,
kuliyadaha, ammaanta, maxkamadaha sharciga, xeerarka, dhakhaatiirta,
ballaarinta, cagaha, Kaamamka xoolaha wadamada shisheeyaha, gluttony, grand,
kaftan, damaca badan, joviality, waaweyn, nasiibka, codka dheer, sixirka qotoda
dheer leh, baayac mushtarka , mudnaanta, maal-qabeennimada, goobaha lagu
cibaadaysto, falsafadda, wacyigalinta, sharafka, aqoon yahanada, wadaaddada, faa'iiddada, qudbooyinka, diinta,
cilmiga waxbarashada noollaha, gaadiidka
bada, guusha, safarka, safarka dibada, runta, xigmadda , bawdyaha, sharciga,
maxkamadaha iyo cadaaladda, daabacaadda,
Wajiga
Afaraadna :-
Dheel-dheelka, maaweelada, farshaxanka, quruxda, jacaylka, guurka, qoysnimada,
haweenimadda, dharka dumarka, dhaqanka soo jireenka ah, rayraynta, riyaaqa,
faraxa, galmada, lacag, music,
wadanoolaanshaha, xidhiidhka, isdhexgalka bulshada, xarumaha bulshada, bulshooyinka,
quruxda labiska, haweenka, iskaashiga, wixii hore,kaftanka, Macsiyada,
qoysnimada, caddaaladda, shaashaarida, naxaas ah, nac-naca, qoob ka ciyaarka,
rabitaan, daadka, qoolleyda, dhagaxyo sumurud la yidhaahdo, ubaxa, canabka.
Dadku waxay ku sugan yihiin
wakhtigan xaadirka ah: waxay noqdaan dadku kuwa digtoon, shaqo
adag, xishoo badan, wax-tar leh, daacad ah, qabow, Aamin, nadiif ah, oo leh
himilo mustaqbal, maskax-furanaan, wax fahmi kara, oo leh karti, dareen
feejigan oo xad dhaaf ah, isla markaana si halis ah wax u lafa gura, macquul ah
oo ku wanaagsan abaabulka, nidaamka,
laakiin sidoo kale dareema cidhiidhi maskaxeed, xisaabtan, xajiimeyn,
wer-wer, cabsi, la cadaadiyo, qabow ama kullul.
Dhinaca
Awoodaha wuxuu si gaara u khuseeyaa: in
dusha laga eego shaqo-wanaaga, habka iyo dariiqa loo maro nidaamka shaqada.
Arrimaha
Gaarka ahna: Farshaxanka dhadhanka, jacaylka, dareenka,
qiimaha-dumarka, dareenka-dheer, farshaxanka shucuurta akhlaaqda iyo dhaqanka
bulshada.
Wuxuu jecel yahay: Amarka,
saxsanaanta, fikirka, cadeynta, isku-gaynta, talo-bixinta, dahabka, axdiga
ujeeddada, qiimeynta dadka kale.
Wuxuu neceb
yahay:-
Waxyaabaha aan la kala saari karin, hawl-galka, xag-jirnimada,
dhexdhexaadnimada, fudeydka deg-dega ah, dayaca nafta, doqonnimada.
Dhinaca shaqada
waxa loo nisbeeyaa
rumaysashada nafta, ogolaansho
la’aan in lawada shaqeeyo, amar dabagal
ah in lagu sameeyo waxyaabihii la aassaassay..
Xirfaddaha:- Xisaabiyayaasha, xoghaymaha, qorayaasha,
saynis yahanada qalabka casriga ee lagu shaqeeyo, kalkaalisooyinka, dhakhaatiirta.
Oogada jidhka aadamahana
wuxuu ku leeyahay:
Jidhka waxa lala xidhiidhiyaa xiidmaha,Cudurada: Hargabka,
oof-wareenka , daal ku yimaada habdhiska neefsashada, shilalka ( Inta
badan soo noqnoqota, laakiinse
wax-yeelladeedu fududahay)
Midabkana wuxuu ku leeyahay: bunniga, midabka badda, dooga, huruudda . tirooyinka wuxuu ku leeyahay tirada saddex iyo shan. Macdantana: Dhagaxaanta birta ah, jiimstoonka,
safeeriga, cusbadda, macdanta dareeraha ah, meerkuriga, ciida.
Mandaqadana wuxuu ku leeyahay wadamada: Dalalka Greece, Turkey, Brazil, Caribbean, Uruguay, Galbeedka hindiya, mareykanka Yugoslavia, Mesobotamiya, Caasimaahana wuxuu ku leeyahay: Paris, Boston, Athens, Lyon, Corinthia,
Heidelberg,
Xayawaanka: Eyda, bisadaha iyo dhamaan xayawaannada oo
dhan, Cuntadana: Khudaarta, Xididka
dabacasaha, Baradhada, Liinta, Midhaha laqalajio, waxa ugu fiican in la cunno
cuntooyinka faa'iidada leh, khudaarta cagaaran ee tayaddoodu wanaagsan tahay,
sida, saladhka. Geedahana: Dhirta,
Beenyada, Khamuunta, Mara-boobta,
Lowska, Ubaxa ka baxa dooxyada, ubaxa midabada badan, dacarta, gaar ahaana kuwa buluuga iyo huruuda, . La soco ……….
Qoraa:- Maxamed Faarax Qoti
(Astrologist)
No comments:
Post a Comment
Mahadsanid