ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2020-ka Q/2-aad
Nayruuska Sannadkan 2020-ka, waxa uu ku curtay Maalin arbacaad oo Hawaa’I ah, waxa la odhan jiray maalin arbacaad, waxa ay u wanaagsan tahay arrimaha isgaadhsiinta, hal-abuurka, bogsashadda, xikmadda, arrimaha sharciga, habaarka, cilmi dhagool, waxbarashada. dalxiiska, fikirka, la tacaalida walaalaha, caafimaadka. Sannadkan cusub ee 2020-ka , Dayaxu wuxuu ku curtay burji Arliya ah ee Baciidka, waxaana la odhan jiray haddii habeenkaas dayaxu uu joogo Burji Arliya ah, qabow iyo kulayl abaar iyo barwaaqo midna lagama sheegi jirin, waxa kale oo loo eegi jiray x aaladaha khuseeya tarbiyadda nafta, waxaana la gaadhaa nidaamka iyo shaqada la hiigsanayo, mustaqbalka shaqooyinka, in laga taxadiraa wixii ka dhalan kara awooda aynu u arragno in aanay wanaagsaneyn, waxay keeni kartaa nidaam-xumo, ganacsatada, dareenka shaqaaluhu wuu awood badan yahay, waa in la isticmaala feejignaan, marka si ixtiraam leh loogu yeedhaayo qaarkood in ay ka qayb qaataan badbaadad...