Cunto-Kariyihii Ka Fakaday Xabsiga Mandheera
Cunto-Kariyihii Ka Fakaday Xabsiga Mandheera Markii ay socotay dabaylihii xornimo doonka ay ku raadinayeen dalalkii ay guumeysanayeen wadamadii reer Yurub, wakhtigaas oo uu la wareegay maamulka xukunka talada dalka British Protectorate of Somaliland, Mudane, Douglas Basil Hall, hilaaddii 11 July 1959 illaa iyo 26 June 1960. Waxa jray cunto-kariye ka fakaday xabsiga mandheera, cunto kariyahaas oo ahaa nin aamin ah, lagana dheehan karayey karti, hufnaan, firfircooni iyo deganaansho badan, waxaannu markii danbe shaqo ka hellay xafiiska cunto karinta Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ee Maxmiyada u ahayd Boqortooyadii Ingiriiska. Maalin maalmaha ka mid ah, isagoo gudanaaya hawl-maalmeedkiisii shaqo, waxa looga yeedhay xafiiskii ugu sareeyey ee uu fadhiyey Mudane. Douglas, markii uu soo galay xafiiskaas waxa uu arkay mudane, Douglas oo taagan oo wajigiisa ay ka muuqato waji adag oo haddana dabacsanaa, waxaannu ku yidhi Doug...