Waxa jira niman carashada yaqaan oo aanay wax-kale u wehelin
Sannadkii 1999-kii bishii May, 30-keedii maalin Axadeed ayuu u jeediyey Madax-weyne ciggaal (AHUN), khudbad aad u qiimo badanayd, Ciidanka Booliska Somaliland isla xarunta Taliska Booliska, qayb- Ciidanka ka tirsan; khud-badaasi waxa uu ku bilaabay sidan:- Maalin-dhaweyd oo halkan xil-lagula kala wareegayey, waxa ka hadlay rag-odayaal ah oo qiimo iyo qadarin kuligeen inaga wada mudan, odayaashaasi eray kasta oo ay halkan ka yidhaahdeenba, waan ka markhaati kacayaa inuu runtood ahaa oo ay asiibeen. laakiin anigu maanta warkayga wadadoodii la’marimaayo ee si kalaan rabaa in aan wax idiin tuso dadkan iyo dalkan aynu xilka u hayno waad og’tihiin waxay ku sugan yihiin, waa dal og’aan iyo ula kac loo dumiyey, oo la baabiiyey oo aan dadaal loola hadhin , sidii loo tirtiri lahaa, khayraadkiisa loo aasi lahaa ee loo lunsan lahaa, dadkeena wuxuu cadowgii isku dayey, in la gumaado oo la tir-tiro xididkooda iyo xun-dhurtoodaba, shuhadadii dhimata...