Posts

Showing posts from April, 2019

Qowsaarku ha’jiro Geelliisee, Yaanu kaga tagin Dhoobiga.

Image
  07 th –Murch-2019 Somaliland waa dad hodan ku ahaa hiddo samida dhaqankeenii suubanaa  ee miyiga iyo reer guuraanimada, waxaana laf-dhabar u ahayd dhinaca jiritaanka aassaasska nolosheena oo ay ku tiirsaneyd, w ax-beerista oo ahayd habka wax-soo saarka dhirta aynu ka helno cuntada iyo dhaqashada x oolaha nool. Xoolo-dhaqatadu iyagoo ka duulaaya kala duwanaanshaha hab-nololeedka iyo meertada nolosha, ayey ku sargooyeen habkii ay ku maareeyn lahaayeen xoolaha ay dhaqdaan, waxaanay ka soo baxeen xoola-jirku dugsiyadii ugu horeeyey ee ka hir-galay dalkeena. Dugsiyadaas waxa lagu baran jiray, sahaminta,  hillaadinta, kaydinta, beerista, dhaqanka, dhaanka, illaalinta, lisida, aroorinta iyo waraabinta xoolaha, dhinaca farsamadana, waxa lagu baran jiray sameynta qabaalka, mooyaha, kalaxa, fandhaalka, udbaha, dhigaha, loolka, koorta iyo waranka, halka dhadiguna ka baran jireen farsamada sameynta  dhismaha aqalka, soohida xadhkaha, dhigaha, loolka, qobtolka, h...

Ma Sheekhaan Sheekhii ahayn Mise Tufkaan Tufkii ahayn?

Image
Waxa jiray sheekh tuf lahaa, kaasoo dadka buka marka loo geeyo si uu u soo dabiibo ama ugu soo tufo dabiibkiisa ay ka soo noqon jireen iyagoo caafimaad qaba oo ku soo bogsaday tufkiisii uu ku dabiibay   sheekhu. Ninkii Sheekha ahaa jiray, ayey tiisii noqotay oo geeriyooday waqti dambe, kadibna wiil uu dhalay oo intii uu noolaa uu baray cilmiga tufka, kaasoo muddo dheer ka soo hoos shaqayn jiray   aabbihii, ayaa la wareegay shaqadii uu aabbihii dadka buka ku dabiibi jiray. Bulshadii ku nooleyd deegaankaasi, marka ay xaalad caafimaad-darro ku timaado qof ka mid ah qoysaskooda, waxay dabiib uga raadin jireen wiilkii uu dhalay sheekhii tufka lahaa,   laakiinse, marka loo geeyo qofka buka kamuu soo noqon jirin isagoo caafimaad qaba, balse, waxa ku sii kordhi jiray xannuunkii uu qabay ee la doonayey in laga soo dabiibo. Ka dib, markii dadka bukaan ah ee loo geyn jiray ay ku bogsan waayeen dabiikiisii wiilka uu dhalay sheekhu, waxay arintaas ku noqotay, wax ay aad ...