Mid Waan Fahmay, Walise Mid-baanan Fahmin
Mid waan fahmay, waa su’aal aan isweydiin jiray oo ku saabsanayd, ma dadka qaba xannuunka dhimirka ayaa ku badnaa? Waa maxayse xikmadda ku jirtay in Boqortooyada Ingriisku ay magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil ka dhisto cusbitaal qudha oo lagu daryeelo caafimaadka dadka qaba xannuunka dhimirka 70 sannadood ka hor? Sida ay xaqiiqdu tahay magaalada Berbera may ahayn goob ay ku badnaayeen dadka qaba xannuunka dhimirka, laakiinse iyadoo mudnaanta koowaad la siinayo loo adeegayaasha iyo la daryeelayaasha, ayaa markii la diyaarinayey hindisaha qorshaha loogu tallogalay cusbitaalkaas, lagu ogaaday xoggo tibaaxaya in dadka dhimirka qabaa ay intooda badan iska saaraan maryaha ay gashan yihiin, isla markaana ay ku keeni karto xannuun labaad oo uu weheliya bukaankii laga daaweynayey xannuunka dhimirka xilliyada qaboobaha, iyadoo la eegayey dhinaca cimilada saameynta toggan ku yeelanayso dadka qaba xannuunka dhimirka, ayaa sabab u ahayd in laga binneeyo cusbitaalka waalida mag...