Waa Fikrad Madhan, Kumana Dhisna Cilmi iyo Caqliyad
Waligeed dunnida kamay dhicin hawlaha wax-qabad iyo dadaalada ay muujiyaan Gollaha wasiiraddu in lagu kala saaro fikraddan madhan ee aan ku dhisneyn cilmiga iyo caqliyad-toona, xayeysiiskan ay ku xardhan yihiin erayada qoraalka farta waaweyn leh “ U codee wasiirka qaranka ugu wanaagsan ee qarankiisa kaabay” ee lagu dhajiyey wadooyinka caasimadda Hargeysa. Arrintani maaha mid lagu caayayo garaadka dadweynaha oo kaliya, laakiinse, waa mid ceeb ku ah oo innoo iftiimineysa heerka garashaddooda aqooneed gaadhsiisan yihiin Gollaha Wasiiradda uu hormoodka ka yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muddane, Muuse biixi Cabid . Sababtoo ah, sumadda codeynta waxa lagu kala saaraa laba shay ama murashaxiin u tartamaysa jagada xubinnimada Gollayaasha iyo Madaxweynenimadda, kaasoo noqda dhawaaqa “ Haa ama Maya”, gacan taag, warqad qarsoon oo lagu qoro cida aad u codeynayso iyo hadal lagu shaaciyo magacayada qofka codka aad siinayso, Laakiinse, looma ...