SIYAASIGU WAA KA ARKA DHAMAADKA KAAHA KA IFFAYA HOGGA:!
Qoraa. Maxamed Faarax Qoti Siyaasadda Togani waxay qayb ka tahay farshaxanka yoolka qorshaha nidaamka maamulka dowladdnimo, wax-qabad toosan iyo caqli wax-ku-ool ah, waana habka barshada, baadhida, tijaabinta, u kuurgalida qaab-dhismeedka iyo dhaqanka dabiiciga ah ee dunida ka jira. Mar kale, waxa loola jeedaa awoodda iyo ujeeddada nolosha dadweynaha ama nidaamka ujeeddada ururrada, taasoo tilmaamaysa arragtida maamulka xisbiyadda siyaasaddeed ay isku maamulaan ama ay ugu hoggaasamaan siyaasadda maamulka dowladda, mararka qaarkoodka waxa loogu yeedhaa inay tahay go’aan ama hadal ujeedo leh, sida; siyaasadda dadka, ururrada, kooxo, tiro qawaaniin ah oo lagu xisaabtamo amaba ay tahay mabda’a hanuuniya go'aannada. Fahamka ama marka loo isticmaalo sifo ka duwan sifaha aynu kor ku soo sheegnay waxa lagu tilmaamaa Siyaasadda Tabani inay tahay farshaxan illa...