Posts

Showing posts from 2017

ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2018-ka Q/1-aad

Image
Qoraa:- Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)                 Q/1-aad  Eebaa iska leh garasho, cilmi iyo aqoon, isagaanay u sugnaatay xukunka kownkan, qadarkiis iyo maamulkiisa cidina lama wadaagto, duniduna waxay ku joogtaa amarka awooda Eebe, waxaanu ku tilmaamay Aadamihiisa intuu ku manaystay wax kooban. Haddana aadamuhu ma’daayo saadaasha iyo odoroska mustaqbalka, waxaanay jeclaystaan in ay wax ka ogaadaan wakhtiga fooda ku soo haya ee la xidhiidha waayahooda, balse, umay fiirsan dhibta ku jirta ogaanshahoodaasi, sababtoo ah, uma-adkeysan karaan haddii ay xogogaal u noqon lahaayeen ayaamaha ku soo foolka leh noloshooda saamiga ay ku leeyihiin farxad iyo naxdin. Balse, ku dhaqanka saadaasha xidigaha waa mid ku saleysan qaab-nololeedka  bulshaweyntu ugu sahamiyaan beerahooda, xoolahooda iyo noloshoodaba, waxaana arrimaha saadaasha xidigaha wax laga weydiiyaa dad khibrad gaar-ah u leh arrimaha xidigiska iyo saadaasha, taasoo ...

MARADA CAS IYO LO'DA ISBAANISHKA

  Lo’da Isbaanishku xaqiiqdii maaha kuwo neceb, kana xanaaqa marada cas ama midabka casaanka ah, sababtoo ah, Lo’da isbaanishku waxay leeyihiin laba indhood, kuwaasoo unnugyada ay ka sameysan yihiina Afka-qalaad loogu yeedho ,“Rods and Cones. Kaasoo Unuga Rods’ka badanaaba ay masuuliyadiisu tahay dhinaca awood arraga inuu ku arki karo iftiinka iyo gudcurkaba, halka Unuga Cones’ka la yidhaahdaa uu awood u leeyahay inuu arki karo midabada kale ee ay ka mid yihiin Huruudda iyo Cagaarka. Laakiinse, haddana waxa ay rumeysan yihiin dad badan oo ku kala nool daafaha aduunku, in Lo’da Spainishku ka xanaaqaan midabka cas, iyagoo arrintaas u nisbeeyey marka ay indhaheenu arkaan midabka cas, markiiba waxay maskaxdeenu ka bixisaa jawaabo kala gadisan iyo sawiro kala duwan,  sida,:- Gubashada, waxa calaamad u ah midabka cas qalabka lagula tacaalo dabka in lagu damiyo, Dhiiga oo midabkiisu yahay casaan iyo Xannaaqa, taasoo, marka uu qofku cadhaysan yahay ay indhuhu casaadaan. Mar la sameeye...

QORAA MAXAMED FAARAX QOTI-OO HADA WAR CUSUB SHAACIYAY

Image

Codbixiyuhu Waa Siyaasiga Maqla Weedhaha Dhiifta Badan Iyo Weedhaha Dheefta Leh.

Image
Hoggaamintu waa farshaxan-dhigaya waxa aynu doonayno in sida saxda ah ee ku haboon la innoogu qabto, mana’aha wax la taaban karo, balse, waa mid wax laga barrankaro , sidaa awgeed ayeynu   Dimuquraaddiyada uga soo qaadanay habka loogu tartamo siyaasadda awoodda talada dalka, dadkuna ay ku doortaan hoggaamiyihii ku hoggaamin lahaa nidaamka siyaasaddeed ee u dejisan dalkeena, iyadoo loo maraayo   awooddaa siyaasaddeed   iyo nidaamkaa siyaasadeed ee la doortay uu ku baddelo xukuumadda hab-doorasho oo xor iyo xalaal ah. Waxa maanta Aduunka ka jira Madaxweyneyaal amma hoggaamiyayaal badan, balse aad bay u yar yihiin inta hoggaamiye ahi, inkastoo haddana lagu tilmaamo dhabbadii guusha ay ku gaadheen hoggaamiyeyaashii soo maray dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ay ahaayeen kuwo dadkooda u muujinayey qadarin, iyagoo tusayey halka loo socdo ee bar-tilmaameedku uu ahaa, xeel-dheeri, xullasho sare, oo aan waligood is dhiibin, korna u hadla,  taasi maaha macnaheedu , lam...

WANKII LA LUMAY BARAARKA

Image
Xooluhu waa aassaasska nolosha aadamaha, dhaqashada xooluhuna waa lafdhabarta nolosha aynu ku tiirsan nahay dhaqaalahooda,  caanahooda, haragooda iyo hilibkoodaba. Xoolo-dhaqatadu iyagoo ka duulaaya kala duwanaanshaha hab-nololeedka iyo meertada nolosha xoolaha nool ayey ku sargooyeen habkii ay u maareeyn lahaayeen xoolaha ay dhaqdaan, inkastoo, haddana iduhu gaar ahaan wanka qoodha ahi uu ka duwan yahay baar-qabka  ama qoodha xoolaha kale. Haddana, dhinaca taranka xoolo-dhaqatadu wanka sumalka ah kuma daraan laxaha, waanay u kal-tiriyaan habeenka sumalka laxaha ay ku sii daynayaan,  marka uu rimiyo’na way ka soocaan wanka qoodha ah (Sumalka),  waxaanay ku daraan baraarka iyagoo ka taxadiraaya si aanay u dhicin oo aanu u rimin laxahii seegay iyo sabeenaha hanaqaaday. Sidaas bay dadka aqoonta u leh cilmiga saadaalinta gedgedoonka cimilada iyo guurguurka xidiguhu ugu mooreyn jireen, si aanay ugu beegmin naylaha dhalanayaa xili abaareed, isla-markaana, ay u...

Muuse Ma Boorbaa Mise Waa Dhiin?

Image
SHEEKO GAABAN:  Boor iyo Dhiin Waagii hore waxa la odhan jiray Lo’jirku wuu ka xadaarisanaa Geel-jiraha iyo Adhi jirka, wakhtigaas   waxa   arrintaas loo sababayn jiray dhinaca garnaqsiga, garraha   iyo wada-xaajoodka, taasoo ay ku dabaqi jireen marka ay cid wax iska soo galaan, ka hor inta aanay u tegin ayey wax iska weydiin jireen, oo ay odhan jireen, waar horta Ninku ma’Boor baa mise waa Dhiin? Haddaba, labadan calaamadood, waa laba calaamadood oo ay leeyihiin Lo’da “Dab-joogta ah” ee la dhaqdaa, mid waliba waxa ay leedahay  dabeecad iyo hab-nololeed u gaar ah, waxaana la odhan jiray, Saca Boorka ah waa neef geesa gaagaaban oo saan quruxsan,  dhogor yar, midabkiisuna waa boor, cimri dherer, dherer xoogan, dareen xoogan, taran badan, cag weyn, socod badan, fahmo badan, orod dheer, calool yar, naaso yar, naas jilicsan, caano yar, caano macaan oo nafaqo badan, xigisin dhow,  gorof lagad yar, codka “ ololkiisu” waa dhawaaq dhuuban oo aan x...

Haddii Calafku Kugu Dhaco u Badalo Midho Macaan…”

Image
Sheeko Gaaban: - Saddexdii Beerwale. Beeruhu waa jiritaanka aassaasska noloshada aadamaha, xoolaha iyo xayaawanada, wax-beeristuna waa habka abuurida, taranka, korintaanka, xanaaneynta  iyo soo saarida  dhirta laga helo cuntada, daawada, dharka iyo hoyga ay ku tiirsan tahay nolosha dadku. Wakhti hore waxa jiray nin beeralay ah oo ku noolaa Tuulo yar oo aan aad uga fogayn caasimada dalka Jamhuuriyada Somaliland,   inkastoo ninkaasi uu ahaa nin karti iyo dadaal badan dhinaca tacabka beeraha, haddana waxa uu ahaa nin aan daryeeli jirin beertii uu tacabka galiyey, waxaana beertaas cuni jiray shimbiraha, cayayaanadaa, xamaaratada  iyo xayawaanada k ale. Xillli ka mida ah xilliyada, waxa dalaga beertii uu ku tabcay ka soo go’day midho aad u tiro yaraa oo aanay ka muuqan dadaalkii badnaa ee ay galiyeen qoyskiisu, ka dibna, waxa uu abaal marin ugaga dhigay inuu ku wareejiyo wiil uu dhalay oo uu aad u jeclaa oo ku dhashay beer-falida. Wiilkaas wa...

Indhihii Hibashada iyo Xusuusta La Ilmeeyey.

Image
 Maanta oo Axad ah ayaanu kulanay nin Oday ah oo aanu kawada tirsan nahay bahda shaqaalaha caafimaadka oo sita warqad cad oo ay kuwada sawiran yihiin isaga iyo Madax-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane,  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Anagoo wadasheekaysanayna ayuu igu yidhi: - Nelson Mandela intii aanu madax-weynaha ka noqon dalka koonfur Afrika ee uu xabsiga ku jiray, waxa la xidhnaa wiil dhalin yaro ah oo u adeegi jiray, waxaanu ku odhan jiray  wiilkaasi marka uu u adeegayo adigu waxa aad tahay madax-weynahayga, ka dibna, waxa uu ka dalbaday inuu u saxeexo warqad uu ku soo dhaafo qasriga madaxtooyada, marka uu Madax-weynaha ka noqdo Nelson Mandela Dalka Koonfur Afrika. Waxaanu Odaygaasi ka mid ahaa ragii ka soo qayb qaatay hal-gankii dheeraa ee Jab-hadii Dhaq-dhaqaaqii Waddaniga Soomaaliyeed ee “SNM”  kula soo noqotay Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Muddo dheer ka dib, Markii Nelson Mandela madax-weyne ka noqday Dalka Koonfur Afri...

Aniga iyo Cimiladdiibaa heshiin waayey.

Image
  Xeel-dheere ku takhakhusay dhinaca cilmiga barashada saadaasha hawadda iyo guurguurka xiddigaha ee loo yaqaano Astro-Meteorological, kaasoo ka shaqeyn jiray wakaaladda sahaminta cimiladda hawadda iyo wasaaradda horumarinta caafimaadka, ayaa ka fadhiistay shaqadii uu ka hayey wakaaladdaas, ka dib, markii muddo dhowr-billood ah ay soo food saartay in ay kala duwanaadeen cimiladdii iyo war-biximihii uu kaga faaloon jiray saadaasha hawadda iyo guurguurka xiddigaha, taasoo sababtay in khal-khal iyo jahwareer weyni ku abuurmo dhamaan bulshadii ku noolleyd degaanaddii uu ka soo jeeday Khabiirkaas. Isla-markaana muddo yar ka diba, waxa uu go’aansaday in uu iskaga tago shaqadii uu ka hayey wakaaladda cimiladda saadaasha hawadda, taasoo, mar wax laga weydiiyey, sababihii ku kalifay shaqo ka tagidiisa, khabiirkaasi waxa uu kaga jawaabay:- “ Anniga Iyo Cimiladdii ayaa heshiin waayey ”. Haddaba, marka aynu eegno hab-dhaqanku waxa uu ka shaqeysiiyaa go’aan qaadashadda maskaxaha aadamaha, hadda...

Wareysi BBC'du La Yeelatay Maxamed Faarax Qoti

Image

Senguhu Ma’gallo Amaano Dumar “Q/ 8-aad)”

Image
Xikmad soomaalidu ku maahmaahdo ayaa tidhaahda “Inta guudka lihi amaano dumar ma gasho”, taas oo macneheedu yahay sida dhaqanku yahay inta guudka leh xaaskaaga laguuguma dhiibi karo, haddii xaaskaaga oo dud-mo kaaga maqnayd la soo celiyo laguuguma dhiibi karo gabadhaada kale ee aad qabto, waxa kale oo ka mid ah inta guudka leh, Faraska, sababtoo ah, Faraska dumarku ma layl-yaan, mana fuulaan, kuma dagaalamaan, sidaa darteed baa loo yidhaahdaa” Senguhu ma’gallo amaano dumar” Inkastoo aynaa qormo kaliya ku soo koobi karin odhaahyada, murtida iyo maahmaahyada garta dhaqanku leedahay, haddana, kuwa garta loo isticmaalo waxa ka mid ah sidan:- 1.        Laba garamay iyo laba gantamay (isdilay) galladi kama dhaxayso. 2.        Marka indho gar lihi ooyaan, indho gar lehna maxaad mooday. 3.        Madax aaddan lahayn miyirkiisa la isma saaro. 4.        Meesh...