24/September/2016

Hooyaddii waxa ay ka soo jeeday dhalasho ahaan dadka Giriisiga (Greece) ee ku nool dalka Giriiga, waxaanu ku dhashay dalka Kanada, laakiinse, dhalasho ahaan waxa uu ka soo jeeday dadka Jerokee (Cherokee) ee ku nool dalka Jarmalka.
Waxaanu ka mid noqday Boqoraddii hore ee ka soo taliyey
dalka Kanada (Canada), Boqorku waxa uu had iyo jeer dadkiisa kala hadli jiray
goob fagaare ah oo aad u qurux badnayd kuna beernaayeen dhir iyo doog
qurux-badan oo si fiican loo illaaliyey, isla- wakhtigaas, khudbadihii halkaasi uu
ka jeedin jiray waxa ay ahaayeen murti
iyo hadalo aadd u qiimo badnaa, laakiinse, haddana marka hadaladiisa ay wax ka
qorayaan wariyayaasha iyo Qorayaasha reer Kanada, waxa ay ugu yeedhi jireen Boqorkii
Sideedaad.
Taasoo ku abuurtay Boqorka in uu ka cadhoodo oo aanu
raali ka noqon in loogu yeedho magac bixintaa loogu magac daray Boqorka
sideedaad, waxaanay arrintaasi noqotay murankii ugu mudada dheeraa ee in badan
soo jiitamayey, haddana wali taagnaa, marka la barbar dhigo Boqoraddii ka
horeeyey.
Boqorku waxa uu ahaa hal-abuur indheer-arrag, kaasoo qoray buuggaag badan oo
ay ku duugnaayeen, Taariikheed nololeedkiisii, Gabayo, Dhacdooyin iyo Sheekooyin gaagaaban, inkastoo uu lahaa
laba sinjiyadood oo leh hal-dhaqan oo kaliya, laakiinse, haddana dhamaantood
waxa laga dhan-dhansanayey labadiisa-hide ee uu ka soo jeeday.
Waxaanu ahaa indheer-garad fahamsanaa khatarta ay
leedahay qoraaladda la xidhiidha mawduucyadda takooridda, sidoo kalena, waxa uu
juhdi iyo dadaal badan galiyey faalooyin lagu duubay cajaladdo ku saabsanaa
dadka Ameerikanka ah ee Hooyooyinkood ay
ka soo jeedaan sinjiyaddaha kale
Boqorku isagoo ka biyo diidsanaa dhalan rogga ku iminayey
dhinaca sinjiyaddaha, waxa uu qaaday wakhtigaasi talaabo weyn oo uu u
isticmaalay awood ciidan oo dhinaca
xuduudaha ah, waxaanu xilalkii ay hayeen ka qaaday dhamaan masuuliyiintii lahaa
Labada-sinjiyadood, taasoo uu ku suureeyey in ay hallis ku ahayd nidaamka geedi
socodka dalkiisa, sababtoo ah buu yidhi:-
Waa lagu soo dhex-mari karaa, taasina waa mid hallis ku ah jiritaanka
qarannimadeena.
Waxaanu soo saaray sawiro muujinayey cadeymo badan iyo
kuwo kale oo si far-shaxanimo leh oo ay ku dheehan tahay waayo-arragnimo, loogu
xar-dhay Hooyo iyo wiilkeedii oo difaacaysa aqoosiga dhiiga ay ka soo jeedo assalkeedii
hore, taasoo lagu qabtay iyadoo socota dhulka lama degaanka ah ee u dhexeeya Kanada
iyo Ameerika.
Haddaba, marka aynu eegno shaqsiyaadka u dhashay dalka Somaliland,
laakiinse, haddana sita sinjiyaddaha kale, waa sida dhiig isku mulaaqmay oo
kale, inkastoo ay jiraan dad aad u badan oo dhaqankoodu iyo diintooduba aanay is
badelin qurba joogeena iyo kuwa haddeer tahriibka ku galay wadamada Aduunkaba, laakiinse,
haddana, waxa hubaal ah in ay jiraan Lab iyo Dhadig, haba-yaraadaane ay
guursadeen sinjiyaddo kale, halka kuwo kalena
ay ku dhaqan-doorsoomeen dhaqamadda kale duwan ee ka jira daafaha
dunida.
Maaha tani mid ina tusinaysa ama aynu ula jeedno sinjiyadda iyo dhiigaga
isku mulaaqmay oo kaliye, laakiinse, waxa suura-gal ah in ay dhacdo wakhtiga
fooda inagu soo haya, dadka ka imanaya qurbaha ee u dhashay dalkeena ee
danaynaya in ay ka qayb-qaataan tartanka doorashada gollaha wakiiladda Somaliland,
sannadaha soo socda aan loo warhaynin dhaqanadooda iyo diimaha ay haystaan
midnaba, sababtoo ah, waxa ay u isitcmaali doonaan in ay lacag kaga iibsadaan
dadka codadkooda iyo ta xisbiga ay musharaxa ka noqonayaanba, si ay ugu guuleystaan tartanka doorashada gollaha wakiiladda Somaliland.
Waxa kale oo ay taageero ka helli karaan deegaanada ay ka
soo jeedaan beelahoodu, kuwaasoo aan u lahayn
wax-aqoon ah shaqsiyaadka ay codka siin doonaan waxa uu noqon doono, markaa,
waxa muhiim ah inta la ogaan lahaa wakhti danbe oo xeedho iyo fandhaalba kala
dhaceen, in aad la iska hubiyo dhamaan shaqsiyaada qurba jooga ah ee u tartamaya
musharaxnimada xil-dhibaanadda gollaha wakiiladda iyo xil-dhibaanda gollaha
deegaanka doorashooyinka soo socda ee ka qab-soomi doona Somaliland, haddii uu
Alle ina gaadhsiiyo.
Ka sokow taasi, waxa iyana barbar socotay kuwo kale oo ku
soo guryo noqday iyagoo qaba hamuun masseyr-xilleed ay ku doonayeen in ay xil ka
qabtaan dalka Somaliland, ka dibna, loo dhiibay xilal aanay waayo-arragnimo hore iyo aqoon badan u
lahayn, nidaamka dowladnimo, kuwaasoo wiiqay
oo curyaamiyey dhamaan nidaamkii iyo habkii dowladnimo ee ka jiray Gollaha
Fullinta iyo Gollaha Sharci Dajintaba.
Haddaba, miyaanay la gudbooneyn kuwa sinjiyadda kaliyaata
haystaa, innay fiiro-dheer u yeeshaan arrimahan ka socda xayndaabka gayigan ay
ku xeeran yihiin, kaasoo u baahan halgan
dheer iyo sharciyaddii lagu xakameyn lahaa arrimahaas oo dhan.
Maxamed Faarax Qoti