Cudurka Halista ah ee EBOLA ee Afrika ku baahay oo laga digay inuu Somaliland u soo gudbo
Cudurka Halista ah ee EBOLA ee Afrika ku baahay oo laga digay inuu Somaliland u soo gudbo Hargeysa(Aftahannews):- Madaxa Maaraynta Qashinka iyo Ka-xakamaynta Khataraha Deegaanka ee Wasaaradda Caafimaadka Maxamed Faarax Qoti, ayaa ugu baaqay masuuliyiinta dekedaha, madaaradda iyo Laanta Socdaalka inay ka feejignaadaan dadka u kala safra Somaliland iyo dalalka Afrika ee uu ka dillaacay cudurka hallista ah ee Ebola Virus. Sarkaalkan ayaa qoraal uu soo saaray shalay oo nuqul ka mid ah uu helay Aftahannews, waxa uu ku sheegay in xannuunka Ebola yahay mid halis ah oo aan wax dawo ah lahayn, isla markaana la hayn tallaal lagaga hortago, sidaa awgeedna ay waajib tahay in laga taxadiro isu-socodka waddamada cudurkaas ka dillaacay dalalka Galbeedka Afrika. Qoraalkaas uu soo saaray Madaxa Qashinka iyo Ka-xakamaynta Deegaanka ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Maxamed Faarax Qoti ee Aftahannews helay waxa uu u qornaa sidan:- “Waxaannu la socodsiinaynnaa dhammaan masuuiyii...