Dr. Philosopher, Author Mohamed Farah Qoti

Thursday, April 24, 2025

Muwaadinkii soo bandhigay baahidiisa ee xadhiga loogu beddelay Somaliland.

 


Cabdikariim Cali Ayaanle oo aan wax ka qoray xaaladdiisa nololeed ee uu ku sugnaa iyo duruufo adag ee hadheeyey noloshiisa hilaadii 16 bishan April sannadkan 2025-ka, ayaa illo xoggogaal ahi ii sheegeen in ehelkiisii ay xidheen.

Halganka waayaha nolosha turunturo lagama waayo, waana muhiim in aad damqato, una muujiso naxariis, oo aad la dareen noqoto qofka waayuhu uu ku adkaado, haddii ay noqon lahayd murugo, cadho ama niyad jab. 

Isla markaanna aad qoraal ku baahiso mareegaha wararka, adigoo dareenkiisa dajinaya oo u raadinaya sidii uu u heli lahaa taageero dhaqaale iyo daryeel wanaagsan oo uu ku noolaado, ka dibna, wax lagala qabto hawsha uu is leeyahay waad ku nafisaysaa.

Cabdikariin muu ahayn qof maskaxda ka jiran oo qaba xannuunka waalida, waxa uu ahaa qof caafimaad qaba, laakiinse, waayuhu uu hadheeyey, taasina waxay u baahnayd in uu helo dejin iyo daryeel uu ku noolaado, nasiib darro'se, maanta in ay ehelkoodu u arkaan in magacoodii iyo sumcaddoodii uu wax u dhimay, isla markaana ay u taxaabaan xabsiyada sharci darada ee loo yaqaan cilaajka, goobtaas oo lagu xidho qof maskaxda ka caafimaad-qaba iyo qof xannuunsanayaba.

Sababaha keenay in aan baahiyo xaaladda duruufeed ee uu ku sugnaa Cabdikariin ayaa ahayd in wax la taro, lana daryeelo, laakiinse, ujeeddadu may ahayn in ehelkiisu dhibaato labaad oo hor leh in ay u geystaan, taasina waxay sababi doontaa in uu si toos ah uu u waayo xiskiisa.

Waxaan halkan si naxariis leh uga codsanayaa ha'yadda illaaliya xuquuqda baniaadamka ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo kuwa madaxbanaan, iyo dhamaan Warbaahinta Jamhuuriyadda Somaliland oobhore uga qeyb qaatay soo bandhigista xaaladdiisii nololeed, in dabagal lagu sameeyo, lana raadiyo, xuquuqdiisiina loo soo celiyo Cabdikariin Cali Ayaanle. 


Qoraa Maxamed Faarax Qoti

Friday, April 18, 2025

Qardhaastii weedhsame


 Waxa la yidhi, Nimaad dhashay kuma dhalin, Ninbaa inan uu dhalay cagta laga gujiyey, wuxuu go’aan ku gaadhay in uu uga soo kitaab furo sheekh tuf-lahaa oo marka dadka buka loo geeyo ay ka soo noqon jireen iyagoo caafimaad qaba, markii loo geeyey sheekhii tufka lahaa ayaa u dhigay Qar-dhaas, qardhaastaas ayaa dabiib u noqotay Inantii uu dhalay Odaygaasi..

Markii ay ka soo wareegtay muddo dhowr bilood ah ayuu arkay Qardhaastii oo daaqadda qolkiisa ka soo laalaada, markiiba waxa uu sawirtay sirta ku duugan qardhaastan in uu ogaado, qardhaastiibuu furay waxaannu gudaheedii uu ugu tegay warqad dhamaanteed ay ku xardhan tahay weedh af-soomaali ah oo lagu qoray khad madow, taasoo ahayd, weedhsame, weedhsame, weedhsame, weedhsame.

Odaygii oo aad u yaaban ayaa ku noqday sheelhii tufka lahaa, waxaannu markii ugu horeysay uu ku yidhi, Sheekh Inantii way caafimaaday, ujuuradaana waan kuu siday, oo waataas, balse, waxaad iga jaahil tirtaa, qardhaastii aad Inantayda aad u dhigtay markii ay caafimaaday, maan tuurinne waan furfuray waxaannan gudaheeda ugu tegay warqad ay ku xardhan tahay, weedhsame, weedhsame, bal arrintaas iiga waran.

Sheekhii tufka lahaa inta uu aad u qoslay ayuu ugu hal-celiyey, waar ma'ninka Inan si fiican loo soo barbaariyey oo dheemantii ay xafidatay, is yidhi ka xad, markay ku fahantayna heesta u tiriyey tidhaahda, Inkastoo hilaaciyo, hogol iyo daruur tahay, hablahaad la siman tahoo, hal ma'dheerid qeyrkaa, anna heedhee gabadh yahay, kama hello sidaydaba, halowsiga isqaadqaad heblaayadda taqaanoo, waaba kala huleelnaa, hafar baad ku nooshahay, ku nooshahayeey hoosbaad u soo deggi, deggi, deggi.

Waxaannu intaas raaciyey oo uu yidhi, Waar ma Ninkaas baa ku hakanaya dabiibka Inantaadan cagaha laga gujiyey, Ninkii odayga ahaa ee islahaa cilmi baad ka soo korodhsan doontaa oo aad u yaaban oo isla-qoslaya ayaa ka soo noqday sheekhii tufka lahaa.

Waxa halkan dhibic ka mid ah sheekadan u dhaafayaa akhristayaasha sharafta mudan ee aanu wadaagno akhriska qormooyinka aan ku baahiyo mareegtayda bar kulanka bulshada.


Author. MFQoti

Wednesday, April 16, 2025

Aduunyadu waayo badannaa


 Anigoo taydiiba la yaaban, ayaan la kulmay hal abuurkii curiyey heesihii ay ka midka ahaayeen Dhulka soco in kugu filan, bulshooy soo bixi cashuurta iyo heestii qaranka ee caanka ahayd, Qaranka dhidibada ragbaa u dhigoo, u shubay dhiigoo nabadda dhaliyee.

Cabdikariin Cali Ayaanle wuxuu ku dhashay magaalada Burco hilaaddii 1986-kii, halkaas oo uu ku soo barbaaray caruurnimadiisii, kuna soo dhameystay dugsigiisii wax barasho, ka dib, waxa uu waxbarasho jaamacadeed u tegay dalka Itoobiya, isagoo soo bartay habka maareynta iyo xisaabaadka.

Cabdikariin waxa uu shaqo ka helay shirkadda Dahabshiil oo uu la soo shaqeynaayey muddo laba sanno ahayd, markii uu ka tegey shaqadaas waxa uu shaqo kale ka helay Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland, muddo yar ka dib, waa làga eryey shaqadaas, marka aynu eegno aduunyadda inteeda kale waxa ay dedaal iyo juhdi badan galiyaan oo ay ku tabcaan, oo ay dhisaan, oo ay daryeelaan, oo la maal-galiyaa baniaadamka.

Cabdikariin waa wiil dhalin yaro ah oo aqoon iyo waayo-aragnimo badan leh, oo degen oo qun yar socod ah oo af-gaaban, oo aan waxbaba ku weydiineyn, haddana isaga oo ay ka muuqato ishiisa, waanna Aabo dhalay Afar wiil, oo markii shaqada laga caydhiyey ee waayuhuna uu ku adkaaday ayuu ka burburay qoyskiisii uu muddada dheer uu ku soo tabcaayey.

Cabdikariin maanta cid lama noola waxa uu quutaa maalinkii hal-xilli waa haddii uu hellee, habeenkiina waxa uu u hoydaa gego cidlo ah oo dhaxanta iyo roobkuba uu ku hello, waana geedaha waaweyn ee ku agyaala agagaarka Dooxa Xaraf ee Galbeedka kaga beegan Caasimadda Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Author. Mohamed Farah Qoti

Friday, April 4, 2025

Xasan Sheekh oo la xaqiijiyey in uu qabo xannuunka (Anosognosia)

 


Philosopher u dhashay Dalka Mareykanka oo ku takhakhusay cilmga barashada nafsaaniga oo wareysi kooban oo weydiimo ah la yeeshay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh,  oo xaqiijiyey in uu qabo  xannuunka loo yaqaano "Anosognosia,", Cudurkan faham-aqooneed la'aanta ah ayaa ah mid ku dhaca maanka, oo ay sababto niyad-jabka, waswaaska, werwerka, cuqdadda, muranka  iyo colaaddaha sii daba-dheeraada.

Waxaan halkan idin kula wadaagayaa weydiimihii uu weydiiyey Dhakhtarku oo u dhacay sidan. 

Dr:- Madaxweyne su'aal ma' ku weydiiyaa?

Xasan:-  Waa maxay weydiintaasi.

Dr:- Sideebaad qaboojiye aad ugu dhex ridi lahayd maroodi?

Xasan:- Ma'garanayo.

Dr:- Aad bay u fududdahay inta aad furto qaboojiyaha ayaad dhex dhigaysaa maroodiga.

Xasan:- Waa sax.

Dr:- Sideebaad qaboojiye aad ugu dhex ridi lahayd docmeer?

Xasan:- Aad bay u fududdahay inta aan furo qaboojiyaha ayaan dhex dhigi lahaa docmeerka.

Dr:- Maya maad garan, inta aad qaboojiyaha ka saarto maroodiga ayaad ku dhex ridi lahayd docmeerka.

Xasan:- Wey iseegtay.

Dr:- Waxaan hayaa weydiin kale.

Xasan:- Ka soco.

Dr:- Haddii dhamaan xayawaanka oo dhami ay ka soo qeyb gali lahaayeen xafladda dhalashada Libaaxa loo sameynayo, sheeg xayawaanka ka maqnaan lahaa xafladdaas dhalashada Libaax, sababee?

Xasan:- Dhamaan xayawaanka oo dhan Libaaxa ayaa cunni lahaa.

Dr.:- Maya maad garan, waa docmeerka oo illaa iyo hadda ku jira qaboojihii.

Xasan:- Waan ka xumahay, ma'hubsadaan ahay.

Dr:- Weydiintii ugu danbeysay.

Xasan:- Ka soco.

Dr. :-Sideebaad ugaga gudbi lahayd webi ay ku dhex jiraan yaxaasyo  badan, webigaas oo aan lahayn biriish ama wax kale oo aad kaga gudubto?

Xasan:- Maaha weydiin fudud, waxaan kaga talaabi lahaa huudhi.

Dr.:- Maad garan, dhamaan xayawaanka oo dhami waxay ka qeyb galeen xafladdii lagu maamuusaayey dhalashada Libaaxa, yaxaaskuna xafladdaas ayuu ka qeyb-galay, aad yar ayaad iska dabaalan lahayd illaa aad ka gaadhayso darafka kale.

Xasan:- Somaliland baa ku soo dirtay.

Dadka inta badan ee uu haleelo xannuunkan ayaa lagu arkaa hab-dhaqanada Jilitaanka marin habaabinta war-baahinta, ku dhaqanka dhaqamada aan laga fiirsan, dhaleeceynta inta badan ka timaada faham la'aan iyo cabsida.

 Waxa sidoo kale lala xidhiidhiyaa jirrooyinka dhimirka iyo dhaawacyada ku yimaada qaab-dhismeedka maskaxda, gaar ahaan bukaannada uu ku dhaco qalalka qeybta midig ee maskaxda, kaasoo saameyn ku yeesha miyir-qabka qofka, dareenka, xusuusta, fulinta hawlaha shaqo, xirfadaha luqaddaha iyo awoodda dhaqdhaqaaqa jidhka. 

Bukaannada had iyo goor uu ku dhaco xannuunkan ayaan illaa iyo hadda aan loo helin daawaddii ku habooneyd ee lagula tacaali lahaa.

Qoraa MFQoti