Hal-xidhaale
Weydiinta hal-xidhaalahan Dhako faarka ahi, hadda maba'durugsana, haddana qofna muu hellin falcelin sugan, haddaba, weydiintanni waxay daaran tahay, Nin baadidoon ah ayey ka soo hor baxeen saddex nin oo socoto ahi, salaan ka dib, waxa uu weydiiyey xoolo baadiya inay arkeen iyo in kale, mid ka mid ah saddexdii Nin ayaa ku war celiyey, baadidaasi neef geella, oo awr ah, oo ratiya, oo raran ma'ahaa, Ninkii baadidoonka ahaa ayaa yidhi, Haa, Ninkii labaada ayaa isna yidhi, Awrkaasi il ma'la'aa, Ninkii baadidoonka ahaa baa yidhi, Haa wuu il la'aa, Ninkii saddexaad baa yidhi, Awrkaas ratiga ahaa ma'dabo la'aa , Haa buu haddana yidhi ninkii baadi doonka ahaa. Saddexdii nin ee socotada ahaa mar kaliyaata ayey yidhaahdeen Maanu arag neefkaa baadida ah, Ninkii baadidoonka ahaa himiladii uu ku baadidoonaayey helitaanka awrkiisa way af-jarmatay, isagoo u aanaynaya in ay nimakani og yihiin awrkiisii halka uu ku sugan yahay, wuu iska soo daba galay, markii ay soo gaadheen...