Buug madowbuu ku qoray Qalin madow
Wuxuu tamaniyey in uu curiyo maahmaàyo cusub, balse, muu fahmin maahmaahdu in ay ka duwan tahay Murtida inteeda kale, waxa aad moodaa in uu xidhnaa muraayad madow, oo uu qol madow uu ku qoray qalin madow, warqad madow. Cabdicasiis Maxamed Yoonis odhaahyada uu ku sheegay in ay yihiin maahmaahyo cusub waxa ka mid ahaa, sida, Nin bidaar lihi koofiyad ma'waayo, tahriib lagama taajiro, jacaylku ma'waayo askari jiifa, doolar nin arkayaa ma dareemo daal, fiise fadhi Laguma hello, isqarxin qudh gooyn mooyee ma'laha qiil, madaxtooyada nin hormaray ma'milicsan waayo, mucjisadu muran uma baahna. Cabdicasiis muu ogeyn in ay Maahmaahdu tahay sarbeeb mutaxan oo ka duwan Murtida inteeda kale, sida, Odhaahda, Weedha, Hal-qabsiga, Hal-hayska, Hal-muceedka iyo Hal ku dhega, bal u fiirso Maahmaahdan “Laba garamay iyo laba gantamay galladi kama dhexayso" taas oo loola jeedo laba gari dhex-martay iyo laba is-dilay asxaani kama dhexayso, sidaa darteedna waxay maahmaahda caynkaas ahi t...