Baroor-diiqdii Bisaddaha
Muddo kooban ayaan ka fikiraayey hal aan tebayey in aan idiin soo tebiyo qoraalkan xanbaarsan baroor-diiqda boqollaalkii naftood ee ku naf waayey dabkii ka qabsaday suuqa ganacsiga waaheen iyo tiiraanyada boqollaalkii wadhatada dan-yartii tabaalaysneyd ee hantidooda ku weyday aafadii ka dhalatay dabkii ka huray suuqa ganacsiga waaheen ee ku yaalay Caasimadda Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland. Dadka qaarbaa aad ula yaabay, ka dib, markii ay ka dhegeysteen war-baahiyayaasha muuqaal aragga, dhacdadii ka dhacday Dalka Ingiriiska in laga furay hudheel cunto oo loogu tallo-galay in ay ka cunteeyaan Dab-joogta Bisaddaha, laakiise, suuqa ganacsiga waaheen waxa ku nafwaayey boqollaal dab-joog ah oo aan haysan daryeel caafimaad, cunto, biyo nadiif ah oo ay cabaan iyo hooy ay ka jirsadaan roobabka iyo dhaxanta. Waxa uu u ahaa suuqaasi gabood iyo gaashaan, waxaannay ka helli jireen cuntada ay ku noolaayeen, habeenkiina waxa uu u ahaa hooy ay seexdaan bisaddahaasi. Habeennimadaas markii d...