Maaha Xisbi, Xisbiga Ay Dadkiisu Ka Siibtaan
Waxaan nasiib u yeeshay in aan la kulmo masuul ka mid ahaa masuuliyiinta Xisbiga Mucaaridka ee WADDANI, kaasoo wajigiisa ay ka muuqatay furfurnaan, guddoon wacan oo laga dheehan karayey xilkasnimo iyo firfircoonni, wuxuu ahaa indheer-garad fahmo badan oo leh aqoon iyo waayo-aragnimo dheer, oo aan lahayn qab iyo qabyaalad, waxa uu lahaa dabeecad wanaagsan iyo hab-dhaqan toolmoon oo ay awooddiisu aad u sareysay. Sababtoo ah, dabeecaddaha aadamaha lama garan karo muddada ay qaadato koritaankeedu, balse, waxa lagu qiimeeyaa akhlaaqda iyo anshaxa guud ee qofku uu u muujiyo dadka kale. “Xisbigu waxa uu ku dhisan yahay waa dadka, dadkaana dhistay oo maalgaliya, dadkaasina waxa ay u baahan yihiin in lagula dhaqmo dareen daacadnimo leh, raali-galin iyo soo dhaweyn wacan, laakiinse maaha Xisbi, Xisbiga dadkiisu ay ka siibtaan” Sidaas waxa yidhi Eng. Cabdiraxmaan Ibraahim Cartan oo ku dhashay Caasimadda Hargeysa taariikhdu markay ahayd 28-kii bishii December sannadkii 1964-kii. Eng. Waxa uu ku so...