Dr. Philosopher, Author Mohamed Farah Qoti

Wednesday, November 9, 2022

Boqorkii Dadkiisa u Fasaxay Inay Xaman-karaan..

 


Waa hore oo aynu soo dhaafnay, waxa jiray Boqor ka mid ahaa Boqorradii ka soo taliyey dalka Koongo (Congo) ee qaaradda Afrika, Boqorku waxa uu muddo dheer  ku riyoon jiray dadka reer Koongo oo cabbaya biyo nadiif ah oo macaan, hilaadda xilligaas waxay dadka reer Koongo ay ka cabbi jireen biyaha Wabiyada Ubangi–uele iyo Kasai.

Biyaha ku jira Wabiyadan waxay ahaayeen kuwo  wasakhaysan oo aan nadiif ahayn, dadka reer Koongo markay cabbaan biyahan wasakhaysan waxa ku dhici jiray  cuduradda ay ka mid yihiin, ” Ebola, cagaarshowga (Yellow fever) Kolooraha, shuban-biyoodka, cudurka dabeysha iyo Beer-xannuunka, cuduradaas oo sababi jiray in ay dad badan oo reer Koongo ahi u dhiman jireen.

Boqorku wuxuu juhdi badan galiyey in la sameeyo sahamin biyood oo qaadatay muddo dheer ayaa lagu guuleystay soo saarista ceel-biyood leh biyo macaan oo nadiif ah, ka dib  muddo sannad ah ayaa la ogaaday in bulshadii degaanka ku noolayd aanay isticmaalin ceelkii biyaha macaannaa ee Boqorkoodu u soo saaray, isla markaana, ay ka cabbayaan biyihii wabiyada Ubangi–uele iyo Kasai.

Waxaannay arrintaas Boqorka ku abuurtay wer-wer iyo walaac badan, ka dib, waxa uu 

magacaabay guddi farsamo oo soo sameysa daraasado iyo baadhitaano lagu ogaanayey sababta keentay in aanay dadku ka cabin ceelkan biyihiisu ay nadiifta yahay.

Muddo dheer ka dib, markii  la soo saaray war-bixintii laga dhur-sugayey ee ahayd qiimeynta iyo xog-ururintii ay sameeyeen guddidaas, taasoo ahayd In boqolkiiba sagaashan iyo saiddeed dhibic sagaal (98.9%) dadkii la wareystay ay ku sababeeyeen in goobta uu ku yaalaa ceelku ay u dhaweyd beer uu deggenaa Boqorku, markii la weydiiyey dhibta ku jirta dhawaanshahaasina, waxay ku jawaabeen, “ Annaga waxa caado iyo dhaqanba noo ah in aannu xamanno Boqorradayada.

Maadaama boqorku tacab badan uu galiyey ceel biyoodkan, isla markaana uu u dhaw yahay beertan uu deggan yahay, waxaannu is nidhi Inta uu xanntiina maqli lahaa, ma’laha waxa ka qurux badan idinkoo kala fogaada xammashadiina, taasina, waa ta gun-dhiga u ahayd sababihii nagu kalifay in aannu ka cabbi weyno ceelkaas biyaha macaan leh, ee nadiifta ah.

Boqorku markii uu dhegaystay warbixintii guddida farsamo ay soo saartay, waxa uu go’aan ku gaadhay in uu soo saaro qarraar ka duwan kii hore u jiri jiray; “Qaarkaas oo dhignaa in maanta laga billaabo, qofkasta oo muwaadin ah uu xaq u leeyahay in uu xaman karro Boqorkooda, isla markaana, xanntaasi aanay noqon doonin fal-danbiyeedyo lagu ciqaabo muwaadiniinta dadka reer Koongo. 

Waxa go’aankaasi uu xal u noqday soo af-jarida khilaafkii soo jiitamayey ee ay dadka reer Koongo ku diidanaayeen in ay ka cabbaan ceelkii Biyaha macaanaa ee boqorkoodu ku riyoon jiray.  (Fiiro-gaar ah, Akhriste, maaha sheekadan mid aynu ku jideynayno in xantu ay tahay wax fiican, laakiinse, waa sheeko ka mid ah sheekooyinkeenii hallaasiga ahaa).


Qoraa. Maxamed Faarax Qoti

Sunday, July 10, 2022

Taaladii Xusuus Reebka ahayd


Ninbaa laga hayey Kaaraa I'jiidhay, muu soo hadal qaadeen, walee Miig baan goob çidla ah ka hellin oo aan rusheyn, markaan arko dhalin yaro badan oo isku hoos sawiraaya taalada xusuusta dheer leh ee loo sameeyey xasuuqii ciidamadii taliskii Siyaad Barre u geysteen shacbiga reer Somaliland, Taaladaas oo guudkeeda la dul saaray mid ka mid ah diyaaraddihii dagaalka ee loo yaqaano Mig-17 kuwaasoo ka haadi jiray gegeda diyaaraddaha caasimadda Hargeysa, ayaa haddana waxay dib u rusheyn jireen dadkii rayidka ahaa ee ka barro kacay Isla Caasimadda Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland,       

Taaladan xusuus reebka ah markaan arko waxay igu beertaa dareen gaar oo dib ii xusuusiya maalmihii qadhàadhaa, Miigaas oo ay wadaan laba duuliye oo lla beegsanaayey hubka darandooriga udhaca, iyo xeeladdii aan kaga bedbaadi jiray.

Markii ay soo galeen Caasimadda Hargeysa ciidamadii xaq u dirirka wadaniga Soomaaliyeed ee SNM (Somali National Movement) taariikhdu markay ahayd bishii May,  31- keedii sannadkii 1988-kii, dagaalka markuu socday muddo bil ah oo aan la qabsaday  in aan fahmo yoolka madaafiicda faqashtu soo ridayeen, ayàan ka anbabaxay magaalada Hargeysa, anigoo aaday tuulada ANAYO.

Nasiib darro'se markii aan halkaas gaadhay waxaan kala kulmay nooc ka mid ah diyaaraddaha dagaalka ee loo yaqaano MiG-17 (Mikoyan  Gurevich) oo rushaynaysa dadkii rayidka ahaa ee ka barakacay dagaalka la socday Caasimadda Hargeysa, markii aan dhowr jeer sigtay  ayàan qorsheystay habkii aan kaga nabada gali lahaa iyo sidii aan ku ogaan lahaa marka ay soo socoto diyaaraddaas waxaan go'aansaday dhinaca aan dhagaxa lahayn in aan geed aan kaga gabado ka raadiyo, waxa kale oo aan  ogaaday diyaaradda sawirada ah marka aan maqlo guuxeeda in ay diyaaradda kalena  ku daba jirto, waxaan qorsheystay markaan diyaraddaas guuxeeda aan maqlo in aan ku dhawaado  geed carmo badan lahaa in aan gabood ka dhigto.

Inkastoo aan kaga bedbaaday geedkaas dhowr jeer, haddana waxay iigu darneyd maalin anigoo jooga dooxa ANAYO oo bar kulan u ahayd in ay iskugu yimaadaan dadku, ayàan maqlay guuxa diyaaraddii sawirada ahayd, ka dib waxaan go'aansaday in aan u soo kicitimo dhufeyskiii aan kaga gaban jiray, in yar markaan u jiray geedkii ayàan maqlay guuxii MiG-17ka, waxaan degdeg u hoos galay geedkii carmada lahaa, diyaaraddaas  oo laba duuliye saaran yihiin oo ku haadaysa duulimaad aad u hooseeya igaga timid dhinaca galbeed, ka dib markii Hal jiiro ah soo wareegtay,  ayaa Nin xoog ah oo ordayaa iigu soo galo geedkii carmada lahaa ee aan ku hoos jiray, illayn diiraddaaba haysata waxaanay  nagu soo gantay saalbo hubka darandooriga u dhaca oo geedkii aanu ku hoos jirnay, waxa qariyey uuro siigo ah, ka dib, Ninkii iigu soo galay geedka hoostiisa ayaa salbabakhii dhirbaaxo qaaday oo dhegtaa midiga igaga dhuftay, waxaannu igu yidhi, saacaddaadan ayey soo eeganaysaaye  bixi, ka dib, anigoo naxsan oo aad moodo dhawaaqa ka baxaya dhegtayda in madfac agtayda laga riday, ayaan degdeg u saaray saacaddii aan xidhnaa, maalinkaas waxa ay waxyeelo iskugu jira dhaawac iyo dhimàsho soo gaadhsiisay 21- qof oo rayid ah,

Wednesday, July 6, 2022

Tiri nimcooyinka

Akhriste bal tiri nimcooyinka qarsoon ee uu Alle inagu manaystay.

Wali waxaynu ku guda jirnaa dhacdooyinkeenii maalin laha ahaa, annigoo ka fikiraaya waraaq codsiya oo aan u gudbiyey xafiis ka mid ah dowladda oo aanan wali hellin ulashadaydii muddo saddex bilood ah, ayey indhahaygu halacsadeen xilli amintu ay ahayd hadhsiimo oo suudiga Qoraxduna uu aad u darnaa, jawiga cirkuna uu aawannaa oo ay ku shaqlanaayeen caad cad aad moodo in uu huwan yahay ciiro, markaad eegto'na ay indhuhu kugu daalayaan.

Waxay ahayd xill dabeyshu ay taagan tahay oo naftu hadh-hadhyoonayso, ayey indhahaygu halacsadeen wiil dhalin yaro ah oo naafo ka ah muruqyada jidhka iyo hadalka oo baaskiilad curyaan kaligii dib isugu wada xilli cimiladuna aad u kulushahay, waxaan garrowsaday nimcooyinka qarsoon ee uu Alle isiiyey, waxaan idhi : Alla ladaniyaa, waxaan eegay nimcooyinka qarsoon ee aan haysto, waan caawiyey illaa masaafad dhan ku dhawaad 3-kiiloo mitir, ka dibna, waxa sii caawiyey laba hablood, laakiinse waxa aniga si gaar ah dareen kayga u taabtay.

Mar aan ku idhi sawir ma'kaa qaadaa, oo uu uqaatay in aan dadka u weydiinaayo caawimo, waxa uu iigu jawaabay, Alle ayàan ka sugayaa caawimo, markii aan isku sheegay in aan Qoraa ahay ayuu iga ogolaaday in aan sawirkan ka qaado, akhriste bal tiri qasnadaha qarsoon ee uu Alle inagu manaystay, inta aynu ka murugoon lahayn dhibaatooyinka yar-yar ee inagu soo fool yeesha ayaamaha qaarkood.

F.G: Wuxuu igula hadlaayey seenyaalaysi, hadalkuna kamuu soo baxayn.

Qoraa. Maxamed Faarax Qoti

 

Friday, May 13, 2022

Buug madowbuu ku qoray Qalin madow


Wuxuu tamaniyey in uu curiyo maahmaàyo cusub, balse, muu fahmin maahmaahdu in ay ka duwan tahay Murtida inteeda kale, waxa aad moodaa in uu xidhnaa muraayad madow, oo uu qol madow uu ku  qoray qalin madow, warqad madow.

Cabdicasiis Maxamed Yoonis odhaahyada uu ku sheegay in ay yihiin  maahmaahyo cusub waxa ka mid ahaa, sida, Nin bidaar lihi koofiyad ma'waayo, tahriib lagama taajiro, jacaylku ma'waayo askari jiifa, doolar nin arkayaa ma dareemo daal, fiise fadhi Laguma hello, isqarxin qudh gooyn mooyee ma'laha qiil, madaxtooyada nin hormaray ma'milicsan waayo, mucjisadu muran uma baahna.

Cabdicasiis muu ogeyn in ay Maahmaahdu tahay sarbeeb mutaxan oo ka duwan Murtida inteeda kale, sida, Odhaahda, Weedha, Hal-qabsiga, Hal-hayska, Hal-muceedka iyo Hal ku dhega, bal u fiirso Maahmaahdan “Laba garamay iyo laba gantamay galladi kama dhexayso" taas oo loola jeedo laba gari dhex-martay iyo laba is-dilay asxaani kama dhexayso, sidaa darteedna waxay maahmaahda caynkaas ahi tilmaamaysaa in haddii ay ragga gar-cadaawe dhexmarto ay taasi ku reebi karto calool-xumo, hibasho iyo hiirtaanyo, waxaanna laga yaabaa in dad gacal ahaa ama tol ahaa ay kala fogeyso.

Lafaha gur xarogana ha ka tagin, maahmaahdan waxa loo isticmaalaa marka isqabad yimaado, waxaanna lagu taliyaa in ay fiican tahay in waxyaabo badan la iska dhaafo oo mar walba arrinka korka laga xaadiyo, taasoo ay ujeeddadeedu tahay in si doqonniimo ah oo fool xun aan loo xisaabtamin, isla markaana,  aan wax la sii  qod-qodin.

Bal u fiirso Maahmaahyadan, Hadal xigaal iyo hilib idaad-ba qabawgaa lagaga dhergaa, Fadhi iyo fuud yicibeedba laysla waa, Raqayo ninkii lahaa dabada hayo, ma kacdo, Madax aaddan lahayn miyirkiisa la isma saaro, Nin aan garaw baranini gar ma barran", oo loola jeedo dhinacayada garnaqsanayaa in ay gartooda bannaanka ay ku soo akhristaan, isla markaana, ay si fiican u ogaadaan cidda ay is-hayaan waxa ay isku hayaan.

Halka Hal ku dhegguna uu tiraabo, sida “Aqoon la'aani waa iftiin la'aan, Aroos lagumana raago, lagamana raago, War  xumi dugsi ma fadhiisto,  Si xun wax u sheeg sixir ka daran, Aan wada hadalno waa aynu heshiino, Riyuhu lugtooday, shallow ku doontaan. Tallo adigaa ku nool ee iyadu kuguma noola, Hadal waa dheh ama dhagayso, Cagtii joogsan weydaa, marbay ceeb la kulantaa, Dabeecad xumo dadkay kaa dhex saartaa.

Halka  Hal-hayskuna uu yahay sida; Geel carruuri qaaday ma'dheera,  Cimrigaagoo dheeraadaa geel dhalayana waa ku tusaa,  Ninba ceesaantii ceelka keentay,  Nin aan shaqaysan shaah ma cabbo, Allow nimaan wax ogeyn ha cadaabin,  Dan iyo xarrago is weyday, War jiraaba cakaara ayuu iman, Af aanad lahayn lama qabto, Waxaannad calaf ku lahayn lama cuno, Kud ka guur oo qanjo u guur.

Halka Hal-qabsiguna uu yahay sida; Barasho horteed ha'i nicin,  Taasi waa gar, dawse ma'aha, Garta sheeg baa laygu yidhi ee ku dirir layma odhan,  Xadhig habeenimo iyo xaajo guntan mid walba ninkii xidhay baa fura, Dheriga maxaa karka ka keena baa la yidhi, waa kulaylka 

Isla markaana ay Odhaahduna ay tahay sida; Libaaxa ka ciya iyo ka aamusan, ka ciyaa la qaatay, Tuug la qabtay talo ma’laha, Guddi raagtay ama hal meesha ku jira ayey ka saaraysaa ama hal aan ku jirrin ayey soo gelinaysaa. Nin markhaati been ah kuu furay muraadkaagana ka gaadhay, isna waxa uu yahay ogaatay,  Aniguun baa aakhiradayda seegaye, aar walaal noqon-waa, Raggu ba’iisuu ka sheekeeyaa, dumarkuna badhaadhahooda, Rag waa shah, dumarna waa sheeko. Lama gano fallaadh kugu soo noqon doonta,  Guurku marka hore waa sino dhuuban yahay, marka dambena waa sino ballaadhaa, Waranka ninka kugu dhufta iyo ninka kugu dhaqdhaqaajiya ninka kugu dhaqdhaqaajiya ayaa xun, .

Qoraa M.F.Qoti

Tuesday, April 5, 2022

Baroor-diiqdii Bisaddaha




Muddo kooban ayaan ka fikiraayey hal aan tebayey in aan idiin soo tebiyo qoraalkan xanbaarsan baroor-diiqda boqollaalkii naftood ee ku naf waayey dabkii ka qabsaday suuqa ganacsiga waaheen iyo tiiraanyada boqollaalkii wadhatada dan-yartii tabaalaysneyd ee hantidooda ku weyday aafadii ka dhalatay dabkii ka huray suuqa ganacsiga waaheen ee ku yaalay Caasimadda Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Dadka qaarbaa aad ula yaabay, ka dib,  markii ay ka dhegeysteen war-baahiyayaasha muuqaal aragga, dhacdadii ka dhacday Dalka Ingiriiska in laga furay hudheel cunto oo loogu tallo-galay in ay ka cunteeyaan Dab-joogta Bisaddaha, laakiise, suuqa ganacsiga waaheen waxa ku nafwaayey boqollaal dab-joog ah oo aan haysan daryeel caafimaad, cunto, biyo nadiif ah oo ay cabaan iyo hooy ay ka jirsadaan roobabka iyo dhaxanta.

Waxa uu u ahaa suuqaasi gabood iyo gaashaan, waxaannay ka helli jireen cuntada ay ku noolaayeen, habeenkiina waxa uu u ahaa hooy ay seexdaan bisaddahaasi.

Habeennimadaas markii dabku qabsaday suuqa waaheen waxa ku sugnaa boqollaal dab-joogta bisaddaha ah oo aan nasiib u yeelan in ay hellaan gurmad lagaga samoto-bixiyo dabkaas, ma’naanay jirin cid xasuusata iyo cid taageero dhaqaale ka gaysata dab-joogta kale ee ku daranyeysan dalka gudihiisa.

Dab-joogta Bisaddaha ayaa ah kuwo ku wadeecaysan dalka ay ku noolyihiin, dadka ay la noolyihiina ee ay weecaansadaana ay yihiin kuwo aan u hayn naxariis iyo tudhaale midnaba.

Marka aynu u naxariisanno mayeedhaanka dab-joogta ah ayuu Alle (SW) uu inoo naxariisanayaa, sidoo kale dhambaalkaygan baroor-diiqda bisaddaha ah ee aan ahayn tacsida, waxaan halkan u marinayaa diranayaasha xeelsha-dheer leh iyo danneeyayaasha illaaliya xuquuqda dab-joogta iyo duur-joogta in ay iska ilaaween waajibaadkii shaqo ee ka saarnaa mayeedhaanka.


Qoraa. Maxamed Faarax Qoti.

Sunday, March 13, 2022

Maaha Xisbi, Xisbiga Ay Dadkiisu Ka Siibtaan

Waxaan nasiib u yeeshay in aan la kulmo masuul ka mid ahaa masuuliyiinta Xisbiga Mucaaridka ee WADDANI, kaasoo wajigiisa ay ka muuqatay furfurnaan, guddoon wacan oo laga dheehan karayey xilkasnimo iyo firfircoonni, wuxuu ahaa indheer-garad fahmo badan oo leh aqoon iyo waayo-aragnimo dheer, oo aan lahayn qab iyo qabyaalad, waxa uu lahaa dabeecad wanaagsan iyo hab-dhaqan toolmoon oo ay awooddiisu aad u sareysay.

Sababtoo ah, dabeecaddaha aadamaha lama garan karo muddada ay qaadato koritaankeedu, balse, waxa lagu qiimeeyaa akhlaaqda iyo anshaxa guud ee qofku uu u muujiyo dadka kale.

“Xisbigu waxa uu ku dhisan yahay waa dadka, dadkaana dhistay oo maalgaliya, dadkaasina waxa ay u baahan yihiin in lagula dhaqmo dareen daacadnimo leh, raali-galin iyo soo dhaweyn wacan, laakiinse maaha Xisbi, Xisbiga dadkiisu ay ka siibtaan”

Sidaas waxa yidhi Eng. Cabdiraxmaan Ibraahim Cartan oo ku dhashay Caasimadda Hargeysa taariikhdu markay ahayd 28-kii bishii December sannadkii 1964-kii.

Eng. Waxa uu ku soo barbaaray, kuna soo qaatay waxbarashadiisii Dugsigii Hoose ee Ciidamada Qaranka, halka waxbarashadiisii Dugsigiisii Dhexena uu ka soo baxay Dugsiga Hoose/Dhexe ee la yidhaahdo Axmed Guray, sannadku markuu ahaa 1981-kii waxa uu dhameystay waxbarashadiisii Dugsigii Sare ee la odhan jiray First July, ka dib, waxa uu waxbarasho u tagay Jaamacadda la yidhaahdo Dahran University oo ku taala Dalka Sacuudi Carabiya, halkaas oo uu ku soo bartay, barashada Aqoonta Xirfadda Shiidaalka (Petroleum Engineer) sannadku markuu ahaa 1984-kii.

Eng. Cartan markii dambe waxa uu u xuubsiibtay dhinaca siyaasadda waxaannu ka mid ahaa todobadii xubnood ee dhidibada u taagay yagleellida  Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,  Cartan hadda waxa uu ku magacaaban yahay mishiinka dhaqaajiya hawlaha Xisbiga WADDANI, waana Agaasimaha Guud ee Xisbiga WADDANI, run ahaantii waxaan ka imid annigoo la dhacsan.

Qoraa Dr. Maxamed Faarax Qoti

W, PH & Astrologist