Posts

Showing posts from August, 2020

“Yuusuf”, “Yuusuf Laguma Yidhaa”

Image
    Sheeko Kale:   Nin Bare ka ahaan jiray dugsi   lagu baran jiray   Aqoonta Islaamka iyo afka Carabiga oo ku yaalay Dalka Jabuut.   Maalin maalmaha ka mid ah oo amintu ay ahayd goor barqo ah, Barahaas oo ku guda jiray hawl-maalmeedkiisii wax-dhigista oo uu ku feegarayo sabuuraddii ay ardeydu wax ku baran jirtay,   waxa u soo galay oo soo garab joogsaday, Nin gaaban oo midabkiisu maariin xigay.   Ka dib, Barihii markii uu dareemay sanqadhii ee uu soo jaleecay, waxa uu arkay Nin gaaban oo garab taagan.   Ninkii gaabnaa baa ku yidhi:- “ Magacaa”, Barihii waxa uu ugu Jawaabay, “ Yuusuf”, waxaanu ku yidhi Ninkii gaabnaa, isagoo farta lulaaya, “ Yuusuf, Yuusuf laguma yidhaa” waxaanu isku malmalay kadinkii uu ka soo galay, waanu iska tagay Ninkii gaabnaa.   Yuusuf waxba muu dhaadin wakhtigaas, laakiinse, saddex-sannadood ka dib, markii uu ku soo laabtay Ninkii gaabnaa ee uu weydiiyey   magaciisa, Yuusuf oo ardeydi...