Posts

Showing posts from March, 2020

Jiqluhu Waa Wareer Iyo Wed Wadajira

Image
Madaxweynihii hore ee dalka mareykanka Mr. Ubama iyo Madaxweyne hadda haya talada dalka mareynkanka Mr. Trump,   waxay kala aaminsanaayeen laba fikradood oo aad u kala durugsanaa, fikradahaas oo ahaa dhinaca ka hortaga cudurada faafa iyo bani’aadannimada, Madaxweynihii hore ee dalka Mareynkanka Mr.Ubama waxa uu ugu deeqay deeq lacageed oo gaadhaysay 4.64- bilyan oo dollarka mareykanka ah, in lagaga hortago xakameynta cudurka Ebolla ee ka dilaacay wadamada Guine, Zaire, Liberia, Congo Brazzaville, Republic Democratic of Congo, Uganda, South Sudan, Gabon, si aanu ugu faafin cudurkaas wadamada Aduunka. Cudurkaas waxa lagu qiyaasay in uu aafeeyey dad tiradoodu gaadhaysay 28,610,- qof, halka ay u dhinteen dad tiradooda lagu qiyaasay 11,308,-qof, ka dib, waxa lagu xakameeyey cudurkaas dadaalkii uu muujiyey Madaxweyne Ubama oo ahayd Indheer-garadnimo (Proactive Leaders),   fikirkaas ayaa sabab u ahaa xakameynta cudurka Ebolla, kaasoo qaatay muddo aad u koobneyd. Halka Madaxwe...