
Qoraaga wanaagsan waa ka fahma waxa ay xiiseynayaan
akhristayaashiisu, riyooyinkooda, cabsidooda iyo xoggaha qarsoon ee ay ku
farxayaan, waxaanu dhiirigaliyaa wanaaga.
Hab-qoraaleedka wanaagsan waxa uu leeyahay qaab-dhismeed la raaco
oo ah, sida gogol-dhig, duluc iyo gun-dhig, ayuu hadalka kiisa toolmoon ee la
jeediyaana u leeyahay milgo, qurux, qiimeyn, qaab-dhismeed u qaabaysan, aaraar, ubuc iyo af-meer.
Sababtoo ah, hadalku waa farshaxan u
baahan in la saxartiro oo laga fiirsado
heerka awoodda erayada fariimaha uu xanbaarsan yahay in ay ku sar iyo jaan
go;an yihiin, ujeedada aad doonayso inaad u
gudbiso dhageystayaasha, sidaa awgeedbaa, Soomaalidu ugu maahmaahdaa “Hadal aan fiirsi
loo odhan iyo caano aan fiiqsi loo dhamin labaduba feedhahay wax yeelaan”,
Isla markaana, waxa haboon in la kala fahmo, hadallada af-waajiga ah, kuwa af-gobaadsiga ah, kuwa mutuxan,
kuwa maldahan, hadallada hubantida ah ee ku salaysan xaqiiqada dhabta ah,
hadallada habowga ah ee loo tiraabo sida loo faro ee ka tagan murtida iyo
maangalnimada, sida Wasiir Ku Xigeenkii Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee
yidhi”, “Saddexdii qofba qofbaa waalan Dadka reer Somaliland iyo Madaxweynihii
yidhi”, “Doqonimada iyo Dulqaadku waa walaalo”.
Hadallada xanbaarasan
kalgacayl laga dheehan karayo fikir caqli galka ah oo ujeedadoodu
wanaagsan tahay, kuwa wax tarka leh, kuwa caafimaadka qaba ee kobciya
xidhiidhka iskaashiga wadanoolaansha bulshada, kuwa dahsoon, kuwa maangalka ah,
kuwa xannafta leh ee abuura ficillada kakan, kuwa deel-qaafka ah, kuwa cunfiga
leh ee hagaasiya abuurka fahamka nollosha, kuwa guud-mar ka’ah, kuwa garrowga
leh iyo kuwa gunuuska ah,
Inkastoo,
noollaha uu isku af-gartaan urta, haddana ma’laha awood dhawaaq oo ka badan
dhawr xaraf, sida, marka geellu uu reemayo ama uu ololaayo ama uu dunuunucaayo,
Adhiguna uu taahayo, Lo’duna ay dinnaahinayso, Farduhuna dannanayaan ama
xaraabinayo, Dacawaduna ay xareedinayso, Waraabuhuna uu wishiirrirayo iyo
haddii Libaaxu uu qawdhamayo ama uu gurxamayo.
Laakiinse,
dadkuna waxa ay leeyihiin doob codka sifaysa oo leh onkod dhawaaq u gaar ah, oo
u baahan hawo uu raaco,
isla markaana, haysta taxane shaqallo
iyo shibbaneyaal isku-xidha weedho leh ereyo cuddoon oo ay ku dhidban yihiin tiraab ku
socota hannaan iyo habdhac toolmoon, sarbeeb humaag maldahan oo midhaha ku
duugani ay xanbaarsan yihiin muuqaallo dhab ah oo la isku af-garto ama la isku
fahmo, ayuu hadalka kiisa wacan ee la jeedinayaana u
leeyahay qaab-dhismeed ka kooban, aaraar, ubuc iyo af-meer.
Araartuna waa gogol-dhiga hadalada dhaliya himilada guusha la
hiigsanaayo midho-dhalkeeda, waxaana muhiim ah in la soo bandhigto araar ujeedadeedu ku salaysan
tahay mawduuca laga hadlaayo, oo ay ku ladhan yihiin weedho xiiso badan oo soo
jiidanayaa dareenka dhageystayaasha, su’aalo lagaga jawaabo aarraa, weedho la xidhiidha odhaahyada dhaliya murannada, hal-ku dhegyo, sheekooyin
kaftan ah, ka dibna, isla markaad hantido dheggaha dheggeystayaasha, ayaa loo
gudo-gallaa dulucda hadalka.
Dhibic ka mid ah dulucda hadalku waxa ay noqon kartaa baaq ama war
qeexaya muuqaal wanaagsan oo macnihiisu aanu shaki ku jirin, qodobo muhiim ah oo wax tar leh, kuwo wax ku
ool ah, kuwo la xidhiidha dhacdooyin
dhab ah oo la taaban karo, sheekooyin dhacay oo aad u xiiso badan, kaftan ku
saabsan aroos, xusuusasho gudoon wacan, hadallo qodobaysan oo macquul ah oo loo
qorsheeyey nidaam wanaagsan, xikmad,
tusaalooyin, baadhitaano iyo xogo la soo
ururiyey, ka dibna, loo diyaar garoowbo inaad maqasho murannada fikradahaagii
ama hadallo habow ah oo aan haysan meelnaba iyo kuwo aan ku jirin ujeedada
hadalkaagii, gabo-gabaduna
waa qodobo kooban oo ka hadla gunaanadka ujeedadaada iyo dardaaran.
Ka
dib, marka uu dhamaado kulankaasi, waxa la sameeyaa qiimeyn guud oo ku saabsan
qaabkii uu u qabsoomay kulankaas iyo wakhtigii loo qoondeeyey, in si fiican loo
xushay ujeedadii laga hadlaayey ama in ay ku timid caqabad, iyo inay qaateen
fariintii iyagoo xiiseynaya dhageystayaashu.
Gabo-gabadii
dhibic ka mid ah qormadeenan waxaan u dhaafayaa in ay sidaas ku qiimeeyaan
akhristayaashu, khudbaddii ugu dheerayd ee uu jeediyo Alla ha u naxariistee
Madaxweynihii labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed. X. I. Ciggaal, muddo
haatan laga joogo siddeed iyo toban sannadood, khudbaddaas oo socotay laba
saacadood iyo toban daqiiqadood.
Gogol-dhiga
ujeedada nuxurka khudbadaas oo u qaabeysneyd afar-qodob, waxaanu yidhi:- Aftida
Distoorka loo qaadayo ee aynu sugayno in ay dhowr iyo tobanka cisho ee innagu
soo aadan inay ka dhacdo dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhan
Nidaamka
Dimuquraadiga ah ee aynu qaadanay waxa uu yahay iyo sida uu u hir’gali karayo,
Somaliland iyo Soomaaliya dalkii la isku odhan jiray mar, maanta maaha ee mar
walaaladeen ahaa waxaynu isku hayno iyo marinka garteena iyo ka hortaga
gardarada ay maalin walba c/qaasim iyo ragiisu goor iyo galab ay inagu hayaan,
Caalamku siduu u daawan jiray,
waxay faqash dadkan iyo dalkiisa ku
sameynaysay ee aanay dowlad qudha ama
nin qudha oo madax ah ama qaramada midoobay ee xaquuqda Bini’aadmiga ka
masuulka ahi, aanay mar’qudha caddaalad-daradii la’ inagula kacaayey, xasuuqii,
dhacii iyo boobkii la’inagu hayey, aanay mar’qudha daadafeynin ama canbaaraynin
ama aanay eray qudha oo kulida ka odhan, ka daranee xabaalihii jamaaciga ahaa
ee ay kumanaan iyo kumanaan Qof, Odayaal
iyo hawl yari lagu dilay ku Aasnaayeen, Qaramada Midoobay iyo Bulshada Caalamku
ee kaleba ay ina diideen, inay arkaan oo ay ogaadaan oo ay wax ka qabtaan waxa
meeshaa ka dhacay.
Ka
dibna, waxa uu araartiisii ku bilaabay oo uu yidhi: Wallaalayaal, arrimahaa aan
idin kala hadlay ee aan sheega intaanan ugalin, inaan wax idinka idhaahdo, arin
aan filayo inaad maanta aan tabay’saan, arinkaas oo ah maanta oo kale halkan
waxa soo mari jiray, Ciidamo hubkoodii sita oo aad ka daawan jirteen, sacab
badana u tumi jirteen, Ciidamadaasi soo maridoodu caado uma aha Caalamka
intiisa badan, waxa bilaabay oo ku dhaqma oo qudha Dalalkii Shuuciga ahaan
jiray iyo inta Digtaatooriyada, sidii Madax-weyne Af-weyn oo kale ah, Sababta
loogu dhaqmi jirayna waxay ahayd laba.
-Ta
hore Argagxiso iyo Baqa galin lagu sameeyo shacbiga loo madaxda yahay ee aan
raali ka ahayn Dadka Madaxda.
-Ta
labaadna waxay ahayd in Caalamka dibada ee cunfiga lagula nool yahay oo ku
dhoola tusto Hubka la haysto iyo xooga la leeyahay,
Maanta
inagu hadaynu nahay Qarankan Soomaaliland inagu is Argagixin mayno, Is
Argagixis iyo baqe isku xukumimayno, waxaynu isku xukumaynaa, kala raali ahaan
iyo isu-maqnaan iyo isku adeeg iyo
walaalnimo iyo wanaag inaga dhaxeeya ayeynu isku xukumaynaa, markaa uma baahnin
inaynu shacabigeena xoog soo dhex-marino suuqa soo marino oo aynu u tilmaano
waxa haysan kara haday dowladooda ka hor-yimaadaan, waxa aynu ku dhisanahay oo
ay Dowladan Dimuquraadiga ee Soomaaliland ahi ku dhisan tahay, inay iyadu
shacabkeeda ka baqato,oo wuxuu doonayo yeesho, oo wuxuu ku raali noqonayo ku
kacdo, oo ay ahaato tii ay iyagu Garab iyo Gaashaan u ahaan lahaayeen, maaha
tii ay Argagxiso iyo Baqe iyo car’ila hadal lagu wadi lahaa, markaa arin kale
ayaa jirta iyana oo aan u baahneyn iyana
inaynu suuqa soo marino Ciidamadeena, waxay tahay Taasi Ciidamdeenu waxay xoog iyo Muruq iyo
Macdan iyo Maacuun hayaan, Maalinta la is horroro ee la isugu yimaado Gollaha
Qaran ee la is dhafoor’taabto.
Waxa
uu xusuustay gudoon wacan, waxaanu yidhi:- Walaalayaal, Sacabkaa waxaan ka
jecelahay in la idhageysto oo la fahmo waxaan leeyahay, ma’nihin Dadkii Af-weyne
Durbaanada u tumi jiray ma’hayno habkiisii, waxaynu haynaa hab la isku-Af-garto
la is Fahmo la is Wacdiyo, kaasaa maanta qiimo leh, Nin madax ah oo sacab loo
tumaa qiimo uu leeyahay majirto.
Isla
markaana, waxa uu dib ugu laabtay hadalkiisuu, waxaanu yidhi:- Sababta aynaan u
soo marinaynin maanta iyo wixii ka danbeeyaba ciidamadeena, waxay tahay
maalinta loo baahdo ciidamadeenu ku dagaalamaan dhulkeena, oo ay cadow ka
diffaacaan, maalintaasay goobta sharafka ee la isku horrorayo, ay keeni
doonnaan waxay xoog hayaan, in suuqa
laga sawirto, oo laga tirsado kow iyo laba la yidhaahdo marabno, ma suura
galayso, ninkii ina damacsani ha ku soo talo galo, wax aanu og’eyn xooggeena
iyo xadhigeena iyo xamaasadeena asagoo maalintaas oo qudha uu inaga horyimaado ku
nixi-doonna oo ka fajaci doonna, oo ka
warreeri doona, oo ay ka lib’heli
doonnaan.
Ka
dibna, waxa uu u soo degay dulucda hadalkiisii, waxaanu soo qaatay Aftida
qaranka loo qaadayo, waxaanu yidhi:- Waxaan u dhaafayaa taas arintii aftida,
ma’aannan fahmin, dadka diidan Aftida
waxa ay uga jeedaan diidmadaasi, maan fahmin, maaha Aftidu arin annaga
iyo dowladda maanta dhisani ay soo saartay, ama soo bilowday, waxay ku sinayd
1991-kii shirkii Burco lagu qabtay ee lagu go’aamiyey inay Somaliland la soo
noqoto madax-bannaanideedii.
Dal
iyo Qarantoona ma jiri karo asagoon Dastoor lahayn, Dastoorna ma dhaqan
gali-karro illaa shacbiga uu dastoor u yahay ay ansixiiyaan oo uu dastoor uu ka
dhigto, guudka la idin kama saari karro wax-aydaan ogolleyn, wax idinku dastoor
ka dhigataan oo qudha ayaa Dastoor idiin noqon kara.
Waxa
uu ka jawaabay oo uu tusaale u soo qaatay war lidi ku ah sameynta Dastoorka
qaranka oo uu maqlay, waxaanu yidhi:- Waxaan ka maqlay, warrar Burco inagaga
imanaya inay niman waddaado –sheeganayaa innay yidhaahdeen Quraankaa noo
Dastoor ah, oo Dastoor kale looma’baahna, waxaan idiin soo jeedinayaa oo aan
idin tusayaa.
Caalamka
Somaliland oo qudhi Muslim ma’aha, dowladdo badan oo waliba guuna oo muddo soo
jiray oo muslim ah ayaa jira, kuligood mid waliba Dastoor ay ku dhisan tahay
qaranimaddoodu ayey leedahay, inta baddan sida Dastooradaasi qeexayaan, ayuu
keenuna qeexayaa, inay Diinta shacbiga Dastoorkan sameystay ay tahay Islaam,
sharciga aan shareecadda Islaamka waafaqsaneyn ama sunihii Nabigeena (CSW) aan
ku taxnaynina ka hirgalin Dalkaa Muslimka ahaa ee Dastoorka sameysanaya, sidaas
ayaa dastoorkeenuna ku dhisan yahay Diinta xaniifka ah iyo sharreecada
Muxamadiga ah (CSW), taas uma arko ay wadaaddadu ku hadlayaan inay tahay arrin
Diin ku dhisan, waxayse tahay siyaasad loogu gabanayo Diinta ayadoo ay gaf ku
tahay sharreecada iyo Qur’aanka iyo Diintii uu Alle (SW) innoo soo dejiyey,
waxaan leeyahay Nimankaas Diinta sheeganayaa Juhallo weeye, wax ay Diinta ka
yaqaaniin ma jirto.
Wuxuu
Alle (SW) inoo sheegay in Diinta, maalin maalmaha ka mid ah wakhti la gaadhi
doono, oo Diin oo’dhan faydi doonto, oo bani’aadmigu iyada u soo noqon doonto,
maaha waxa lagu gaadhayaa taas, ee ay
diintani diinta caalamka u noqon doontaa, ma’aha gantaalada Binu’laadin uu
caalamka ka qarxinaayo iyo Beenta ay Burco iyo Berbera iyo Boorama iyo Hargeysa
ragga ganbo cad qaatay, xaaraan kaga soo gurtaan carabta oo ay yidhaahdaan
agoon iyo Dad baahan baanu u geynaynaa, oo dabadeedna bakhaaro dhigtaan oo ku baayac
mushtareeyaan, maaha kuwaas, kuwa Diintan cirka geyn doonna ee caalamka ku
fidin doona, ma’aha kuwaasi, Quraankan Illaahay inoo soo dejiyey, oo ah
kalimadii wixii jiray iyo wixii jiri doonna, wixii jira maanta, intaba kii
yaqiinay uu soo qoray, Quraanka markaynu caalamka fahamsiino, ee aynu tusno,
inuu yahay runtii kalimadii Illaahay u soo dejiyey inay caalamkan iyo
banni’aadamkiisa iyo Adoomahiisa gaadhsiino, maalinta aynu taas caddeyno ee
caalamka aynu tusno, ayaa Buugg wall oo kaleba baybal iyo tamuud iyo mid walloo
kaleba, kan la isugu imanayaa, waxaan leeyahay raggaas ma taqaaniin Quraanka
aad ka been sheegaysaan, ii fasilla ma’garranaysaan, waxa ay tahay Aayadda
Quraanka ah ee ah.
“Laa’uqsimu
bimuwaaqici najuum, wa’inahu laqasamu low taclamuuna cadiiymun, afabihaadal
xadiisu antu mud’hinuun, watajcaluuna risqakum anakum tuka dibuun, falowlaa
idaa balaqatul xulquum, wantum xiina
idin danduruun, wanaxnu aqrabu ilayhi minkum wa’laakin laa tubsiruun, fa’amaa
in kaana minal muqarabiin, farrowxu warrayxaanu wa janatul naciim, wa amaa
inkaana min asxaabil yamiin fasalaamun’laka min asxaabil yamiin, wa amaa
inkaana minal mukadibiina daaliina
fanusulun min xamiimin watasliyatul jaxiim, inahaada la’huwa xaqul yaqiin fasabix
bismi rabikala cadiiym”.
Bal
u soo noqo suurada kale ee ku jirta suuratul SUMUL,…… La soco………
Qoraa: Maxamed Faarax Qoti