Kobicii Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Ee Isdaba Joogay, Waxa Wiiqi Kara Jidkii Shalay.
“Qormo iftiiminaysa in Jidkii shalay, maanta ay ina tusinayso, Bari khasaaraha wiiqi kara kobocii isadaba joogay ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland” Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka (WHC) Jamhuuriyadda Somaliland, oo horena loo odhan jiray Wasaaradda Caafimaadka (WC) marna, Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada (WCSH), waa ha’yad dowladeed oo ay shaqadeedu tahay in kor loo qaado tayada adeegyada caafimaadka, lana hubiyo tayada adeegyada caafimaadka ay bixiyaan, lana joogteeyo caafimaadka meertada nolosha deegaanka, himiladeeduna waa in dhamaan muwaadiniintu reer Somaliland ay helaan adeeg caafimaad oo tayodeedu aad u sareyso, si simanan loo joogteeyo, kuna noolaadaan nolol wanaagsan oo badqabta, hadafka hiigsiga lagu gaadhayo himiladaasina ay tahay, in loo abuuro deegaan kasta xidhmooyinka adeegyada caafimaadka bulshada oo tayo’doodu sareyso, wax tar leh, la awoodi karo, la helli karo, si simana loo wada gaadhsiiyo bulshada, kaasoo tayada daryeelk...