Muxuu Alle (SW) Kala Hadlaa Muruqan-Yar ?
Khuburada ku xeelka dheer cilmiga barashada caafimadku waxay sheegaan, in marka ay dhimato maskaxadu uu qofku geeriyoodo, iyadoo ay inoo muuqato kumanaan kun oo qof oo maskaxdoodii dhimatay (Death brain), haddana nool oo uu sii shaqeynaayo wadnahoodu iyo kumanaan kun oo kale oo wadnahoodu joojiyey shaqadii uu qabanaayey oo sidaasi ku geeriyooday, taasi waxay inoo cadeynaysaa in aanay wax-aqoon ah u lahayn khuburada ku xeelka dheer cilmiga barashada caafimaadka wadnuhu . Haddaba, waxa isweydiin mudan, muxuu Alle (SW) kala hadlaa Muruqan-Yar? Waa muruq-yar oo leh sharaf iyo qurux, waxaana quruxdaasi lagu tilmaamaa, fudeydka, rayraynta, raaxada, farxadda iyo deganaashaha laga dareemo marka uu qofku sameeyo samo-falka, laakiinse, waxa murugo badan iyo degenaansho la’aan ku keena shaydaanka iyo falka –xun ee uu qofku sameeyo, waxaana ku dhaca oo xannuun ku keena labada xannuun ee la yidhaahdo, shakiga iyo laba-wajiileynta. ...