Sheeko gaaban : Kol haddaanan mar-labaad arkaynin tuur oo laba jir ah, oo darbi jiifa, iska daaya wax kasta ha igu yidhaahdee."
Kol haddaanan mar-labaad arkaynin tuur oo laba jir ah, oo darbi jiifa, iska daaya wax kasta ha igu yidhaahdee." Waxa la yidhi”, Sheekh baa tuf-lahaa oo dadka bukaanka ah ee loo geeyo ay markiiba ku bogsan jireen dabiibkiisa, ayaa maalin la kulmay, isagoo salaad subax ka soo baxay, wiil yar, oo tuur leh, oo laba jir ah, oo darbi jiifa, oo diif iyo diihaal badanina uu ka muuqdo,waxa sheekhu uu go’aansaday in uu wiilkaa yar gurigiisa geeyo oo uu korsado, ka dib, markii uu qaangaadhay wiilkii yaraa, waxa uu gacan yare u noqday oo uu u ururin jiray lacagta ujuurada ah ee laga qaado dadka bukaanka ah ee uu sheekhu dabiibi jiray. Wiilkii yaraa markii uu muddo dheer la shaqeynaayey aabihiisii labaad ee soo korsaday, ayuu xadday lacagtii ujuuradda ahayd ee laga qaadi dadka bukaanka ah ee uu sheekhu dabiibi jiray, markii uu isku hubsaday in uu waxoogaa lacag ah haysto, waxa uu ku hamiyey in uu shaqadii iskaga tago, isla markaana, uu cid kale kula shuraakoobo cilaaj dadka lagu da...