Digniinta uu Wasiirka Biyuhu uu Diray Waa Farriin Lagu Diirsaday
Markii uu waagu baryey ee aan soo toosay aroornimadaas ayey indhahaygu halacsadeen war farxad leh oo lagu daabacay dusha sare ee bogga ugu horeeya wargeyska la yidhaahdo Dawan, caddadka tirsigiisii 33470, oo ku taariikhaysnaa, 9-kii- April-2018-kii, Markii aan wada akhriyey warkii ku qornaa wargeyskaasi oo nuxurkiisu ahaa digniin loo diray gaadiidka booyadaha ee biyaha ka dhaamiya meelaha dooxyada ah ama biyo-fadhiisimaha ah aan caafimaadkoodu fiicnayn, ayaan yara showray, ka dibna, waxa aan jaleecay wiil dhallinyaro ah oo ka qallin-jabiyey kulliyadda culuunta caafimaadka oo ku fadhiyey kursi hareertayda yaalay, waxaanan ku idhi; “Haddii aad xogogaal u noqon lahayd wax badan oo aan xogogaal u ahay ama aad akhiriyi lahayd warka lagu daabacay maanta wargeyska Dawan, sidaas umaad xiirateen ee waad murugoon lahayd.” Run ahaantii, markasta oo aan arko dad badan oo uu ku dhacay xannuunka kansarka ama wax yeelo ka soo gaadhay hab-dhiska xididada Neerfaha, beer-xannu...