WANKII LA LUMAY BARAARKA
Xooluhu waa aassaasska nolosha aadamaha, dhaqashada xooluhuna waa lafdhabarta nolosha aynu ku tiirsan nahay dhaqaalahooda, caanahooda, haragooda iyo hilibkoodaba. Xoolo-dhaqatadu iyagoo ka duulaaya kala duwanaanshaha hab-nololeedka iyo meertada nolosha xoolaha nool ayey ku sargooyeen habkii ay u maareeyn lahaayeen xoolaha ay dhaqdaan, inkastoo, haddana iduhu gaar ahaan wanka qoodha ahi uu ka duwan yahay baar-qabka ama qoodha xoolaha kale. Haddana, dhinaca taranka xoolo-dhaqatadu wanka sumalka ah kuma daraan laxaha, waanay u kal-tiriyaan habeenka sumalka laxaha ay ku sii daynayaan, marka uu rimiyo’na way ka soocaan wanka qoodha ah (Sumalka), waxaanay ku daraan baraarka iyagoo ka taxadiraaya si aanay u dhicin oo aanu u rimin laxahii seegay iyo sabeenaha hanaqaaday. Sidaas bay dadka aqoonta u leh cilmiga saadaalinta gedgedoonka cimilada iyo guurguurka xidiguhu ugu mooreyn jireen, si aanay ugu beegmin naylaha dhalanayaa xili abaareed, isla-markaana, ay u...