Muuse Ma Boorbaa Mise Waa Dhiin?
SHEEKO GAABAN: Boor iyo Dhiin Waagii hore waxa la odhan jiray Lo’jirku wuu ka xadaarisanaa Geel-jiraha iyo Adhi jirka, wakhtigaas waxa arrintaas loo sababayn jiray dhinaca garnaqsiga, garraha iyo wada-xaajoodka, taasoo ay ku dabaqi jireen marka ay cid wax iska soo galaan, ka hor inta aanay u tegin ayey wax iska weydiin jireen, oo ay odhan jireen, waar horta Ninku ma’Boor baa mise waa Dhiin? Haddaba, labadan calaamadood, waa laba calaamadood oo ay leeyihiin Lo’da “Dab-joogta ah” ee la dhaqdaa, mid waliba waxa ay leedahay dabeecad iyo hab-nololeed u gaar ah, waxaana la odhan jiray, Saca Boorka ah waa neef geesa gaagaaban oo saan quruxsan, dhogor yar, midabkiisuna waa boor, cimri dherer, dherer xoogan, dareen xoogan, taran badan, cag weyn, socod badan, fahmo badan, orod dheer, calool yar, naaso yar, naas jilicsan, caano yar, caano macaan oo nafaqo badan, xigisin dhow, gorof lagad yar, codka “ ololkiisu” waa dhawaaq dhuuban oo aan x...