Posts

Showing posts from June, 2017

Aniga iyo Cimiladdiibaa heshiin waayey.

Image
  Xeel-dheere ku takhakhusay dhinaca cilmiga barashada saadaasha hawadda iyo guurguurka xiddigaha ee loo yaqaano Astro-Meteorological, kaasoo ka shaqeyn jiray wakaaladda sahaminta cimiladda hawadda iyo wasaaradda horumarinta caafimaadka, ayaa ka fadhiistay shaqadii uu ka hayey wakaaladdaas, ka dib, markii muddo dhowr-billood ah ay soo food saartay in ay kala duwanaadeen cimiladdii iyo war-biximihii uu kaga faaloon jiray saadaasha hawadda iyo guurguurka xiddigaha, taasoo sababtay in khal-khal iyo jahwareer weyni ku abuurmo dhamaan bulshadii ku noolleyd degaanaddii uu ka soo jeeday Khabiirkaas. Isla-markaana muddo yar ka diba, waxa uu go’aansaday in uu iskaga tago shaqadii uu ka hayey wakaaladda cimiladda saadaasha hawadda, taasoo, mar wax laga weydiiyey, sababihii ku kalifay shaqo ka tagidiisa, khabiirkaasi waxa uu kaga jawaabay:- “ Anniga Iyo Cimiladdii ayaa heshiin waayey ”. Haddaba, marka aynu eegno hab-dhaqanku waxa uu ka shaqeysiiyaa go’aan qaadashadda maskaxaha aadamaha, hadda...