Posts

Showing posts from December, 2016

BURJIGU MA JAANBAA !

Image
NAARI :- (Wakiil rasmiga ah ee dadka, tamarta, xamaasada iyo wax-yiga) Dabku waa shay u socda kor oo gaadhi kara daruuraha iyo wixii ka baxsan, inkastoo, Qorraxda iyo Xiddiguhuba ay yihiin dab heer kulkoodu aad u sareeyo oo jooga cirka dunida guudkiisa aynu ku noolnaha, haddana, run ahaantiina dabkaasi lama garan karo sida uu u eeg yahay. Dhinaca ruuxda aadamaha waxa lala xidhiidhiyaa dabka in ay noqdaan dadka arragtida fog ee xeel-dheerayaasha ah, marka aynu dhanka kalena ka eegno, dabku waa tamar qaydhin, marna waynu isticmaalnaa, mar-kalena waxa uu inoo abuuraa iftiinka nolosha, dhirtuna waxay dhalisaa dab, waxa kale, oo aynu odhan karnaa dabku waa mid wax baabiiya amaba dhalan rogga. Sida muuqata Dabka ciidamadda waxa la dareemaa isagoo dhex maraya hawada in uu baabiiyo wax-walba, biyahana waxa uu ka dhigaa uumi bax, dhulkana wuu kala jeexaa, dhagaxana waxa uu ka dhigaa dareere ama unugyo dhalaalaya. Faraxa siidhka Geedka:-   siidhka geedku wuxuu ku farx...