Shimbirkii Ku Noolaa Beedka Shimbiraha Mar 5, 2016 Shimbirkii Ku Noolaa Beedka Shimbiraha Markii uu Alle (SWT) uu dunida guudkeeda ku abuuray Nebi Aadan (CS) iyo Xaawa, waxa uu awood u siiyey inay dhalaan ubad mataano ah oo isugu jiray wiilal iyo gabdho, sidaas baanu bani’aadamku ku tafiirmay, kuna tarmay. Haddaba, waxa dhacday in ay is khilaafeen laba wiil oo uu dhalay Aadan, kuwaasoo la odhan jiray Qaabiil iyo Haabiil, waxaanu khilaafkaasi sababay in Qaabiil qudha jaro walaalkii Haabiil. Kadib isagoo afariirsan oo argagax iyo naxdina ka muuqato, oo garan’la maydka walaalkii si uu yidhaahdo, ayuu Alle (SWT) u soo diray shimbirka Tukaha kaasoo dhulka qodanayey, taasoo ahayd xikmad iyo aqoon ka maqnayd Qaabiil, sida ku cad, suuratul maa’idaha aayada 31-aad ee quraanka kariimka ah, waana sababtii keentay keentay inuu qoday dhulka, ka dibna uu ku aaso maydka walaalkii, halkaasoo ah meeshii ugu horreysay ee laga bartay in la aaso maydka dadka bani’a...