Hab-Dhaqanka Iyo Dabeecada Hoggaaminta Wanaagsan
Hab-dhaqanka awoodeed iyo dabeecada wanaagsani waxay qayb ka tahay hoggaaminta wanaagsan. Inkastoo lagu tilmaamo in koritaanka dabeecadaha aadamuhu ay qaadato muddo dheer, haddana, lama garan Karo qiyaasta saxda ah ee ay hore-umarto, waxa'se lagu qiimeeyaa akhlaaqda iyo anshaxa guud ee dadka kale loo muujo, waana ta innagu abuurta in aynu sawiran karno waxa ku sugan maskaxaha dadka kale, waxaanay tamarta dabeecadu ka timaadaa maskaxda, halka, tamarta hab-dhaqankuna ay ka timaado dareenka wanaagsan. Hab-dhaqanka aadamaha waxa lagu tilmaamaa in uu yahay waxbarasho aqooneed iyo xaqiiqooyinka laga dhaxlo waayo-aragnimada qofeed ee awoodeedu aadka u sareyso, waxaanay noqon karaan kuwo leh awood ama kuwo ay awoodoodu hooseyso, kuwo hab-dhaqankoodu uu san yahay ama uu xun yahay, taasoo inta badan lagu sifeeyo qofka leh dhaqan awoodeed oo haddana dabeecadiisu ay wanaagsan tahay, waxa lagu qiimeeyaa in uu yahay hogaamiye wanaagsan oo dadkiisa iyo dalkiisab...