Posts

Showing posts from January, 2016

ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB Q/ 1-aad 2016

Image
Qoraa:- Dr. Maxamed Faarax Qoti (Astrologist) Saadaasha xidiguhu waa mid lagu falan-qeeyo isbedelada cimilada, hawada, bad-maaxida, dowladaha, sidoo kalena ku dhaqan saadaashu waa mid ku salaysan qaab nololeedka  bulshaweynta, kuwaasoo u  sahamiya beerahooda, xoolahooda iyo noloshoodaba. Mar uu kaga maansoonaayey abwaan Xassan Xaaji Cabdilaahi “Gannay”  Maansadiisii Duufaan,  taasoo dhaqanka iyo cilmiga xidigiska uu adeegsanayey dhinaca xoolaha iyo nooloha kale, gaar ahaan xiliga sumalka lagu daro idaha, waxaanu yidhi,  “Dabtuurkoo arbaca galay idahayga dayrtii, darbanah shakaalani, danbarsamaha ma afuro, oo waxaan dib ugu dhigay, falaggaan dabci aqaan, xilligii uu di’I jiray inuu roob ka daba maray, waydaarshay daydana, waxaan uga danleeyahay, markuu cawl xilli u dayay dhadiguu dul-saarnaa, anniguna dadbaan ahay jiilaalna waa daah” Maansadan oo aan ka soo xigtay buugga “Bad Macaan” ee uu qoray Maxamed Ahmed Xassan (Qodax). Soomaalidu waxa ay ...