Posts

Showing posts from December, 2015

ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB 2016 Qaybta 2-aad

Image
Qoraa:- Dr. Maxamed Faarax Qoti (Astrologist) Habeenka curashada Sannadka  cusub ee 2016 , Dayaxu wuxuu fadhiyey burjiga dabooje oo arliyo ah:-    wuxuu leeyahay wajiyo badan oo ah dhinaca dhex-dhexaadinta, Qowlka saxda ah, iyo in la qabto waxyaabaha lagama maarmaanka ah ee taariikhiga ah, inkastoo lagu tilmaamo inuu leeyahay waxoogaa khatar ah. Dayax labaatanaad waxa la filan jiray dayax madoobaad,  waxa kale oo la filan jiray in maalmahani ay leeyihiin in dib u eegis lagu sameeyo wixii khaldamay, lana xaliyo muranadii jiray ka dibna la hagaajiyo camalka, xilligan qayb bay ka tahay billowga, la qabsiga caadeysiga, furniinka, walaaca, dhaleeceynta  iyo caadooyinka xun ee aan loo baahnayn,  waxa kale oo ay leedahay dareenka kicinta, go'aan qaadashada, ka hortagida, sameynta waxyaabaha aan la rabin, Xaaladaha aan loo baahnayn, daaweynta,  ka fikirka dariiqooyinkii gaboobay oo la qabto. Yoolkeedu waa:  In billowga shaqo oo laga ...