XOGOGAAL U NOQOSHADA DULIN KU DUL NOOL NOOLE KALE
26-August-2015 Waxaan garowsaday in aan halkan idinkula wadaago aragtida wax ka dhaadhicinta iyo dareensiinta qofka aad ka aragti-dheer tahay ama kaa aragti-dheer xaga fahanka waxa jira iyo cabirka waxa inagu soo fool leh. Qiyaasta guud ee fikirka qofka ayaa horseed u ah, inuu wax ka dareemi karo dhamaan gayiga ku xeeran, islamarkaana uu cabbirkiisaasi dhaxalsiiyo dhinaca aragtida, maqalka, dareenka, iyo xogogaal u noqoshada wararka soo gaadhaya kaydka xog ururineed ee maskaxdiisa, Haddaba qiyaasta guud, inkastoo haddana ay jiraan erayo ad-adag oo macnahoodu yara kakan yahay kuwaasoo u baahda aragti iyo sharax cilmi aqooneed oo u kala soocda garashada, fahanka iyo xaqiiqda dhabta ah ee ugaga dhex-iftiimay. Haddaba waxa jira Dulin ku dul-nool aadamaha, kaasoo lagu tilmaamo inuu ka mid yahay wax-yaabaha keena wer-werka iyo walaaca ku yimaada qofka, ka dibna waxay sababtaa in jidhku kaga jawaabo hab-kasta ama dariiqo-kasta oo uu ...