Posts

Showing posts from July, 2013
Image
Xafladii daahfurka Buugga Dhaxalkii-Gobonimadda Xafladii daahfurka buuga Hargeysa-(Berberanews)–Buug laga qoray Madaxweynihii labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo magciisa la yidhaa DHAXALKII GOBONIMADA, ayaa lagu daah-furay magaalada Hargeysa. Munaasibad ballaadhan oo uu maalgeliyey Wargeyska   Jamhuuriya   oo lagu qabtay shalay huteelka Imperial ee caasimadda, taas oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin iyo marwooyin ay ka mid yihiin Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, Guddoomiyaha Guddiga Joogtada Golaha Guurtida Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-waraabe), Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Md. Maxamuud Barre Axmed (Garaad), murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Mr. Jamaal Cali Xuseen, qoraaga Boobe Yuusuf Ducaale, Maareeyaha Jamhuuriya Media Group Mr. Mustafe Sacad Dhimbiil, xildhibaanno iyo marti sharaf kale oo badan,  buuggan oo ay ku xardhanaayeen dhama...