Friday, November 13, 2020

Taariikh nolloleedkii Guddoomiyihii ugu horeeyey ee Ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee (SNM). (AHUN Axmed Jimcaale)

 


Guddoomiyihii ugu horeeyey ee Ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee (SNM)  Allaah ha u naxariistee waxa uu ku dhashay  Magaalada Cadan ee ku taala dalka  Yemen, tariikhdu markay ahayd 16- bishii 6-aad ee sannadkii  1930-kii.

 Yaraantiisii waxa uu waxbarshada dugsiga hoose uu ku soo qaatay dugsigii hoose / dhexe ee la odhan jiray Ba Zar’a,  ee ku yaalay magaalada Cadan ee Dalka yemen, halka waxbarashadiisii dugsigiisiii  sarena uu ku soo qaatay dugsigii la odhan jiray St. Joseph ee ku yaalay Crater, Aden, ka dibna, markii uu dhameystay waxbarashada dugsiga sare waxa uu soo qaatay laba sannadood oo ah culuunta habka maareynta iyo ganacsiga.

Axmed (AHUN) waxa uu ka hawl-galay shirkaddii Ingiriis ahayd ee ka shaqeyn jirtay Dekada Cadan, waxaana loo magacaabay in uu ahaado maareeyaha Shirkaddaas, markii uu ka tagay shaqadaas waxa uu noqday bare wax ka dhiga dugsi ku yaalay magaalada Cadan ee Dalka Yemen.

Axmed waxa uu go’aansaday in uu u wareego magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland sannadku markuu ahaa 1956-kii, isla wakhtigaas waxa uu ku biiray dhinaca urur siyaasaddeedki la odhanjiray National United Front (NUF), oo ka mid ahaa xisbiyaddii  siyaasadeed ee u halgamayay xorriyadda madaxbanaanida dalka jamhuuriyadda Somaliland ee maxmiyada u hayd dalka Ingiriiska, waxaanu noqday Xoghayaha Guud ee golaha dhexe ee ururka  National United Front (NUF), ururkas oo qabay aragtida ah in la tixgaliyo in Somailand xubin ka ahaao midowgii koonfurta Somaliya.

Ururkaas oo markii danbena la midoobay ururkii Somali National League (SNL),  isla markaana xornimada ay  u sameystaan xisbi isbahaysi oo la yiraahdo,  Somali National Congress (SNC),

1958-kii waxa uu noqday tifatiraha wargeyskii toddobaadlaha ahaa ee afka-Carabiga lagu daabici jiray ee la odhan jiray Al-Liwa,  muddo ka dib, waxa loo diray Axmed iyo Amed yuusuf Ducaale (Boobe) tababar ku saabsan dhinaca saxaafadda ah oo lagu qabanaayey dalka Qaahira, markii uu ka soo noqday qaahira waxa loo magacaabay tifatiraha guud ee Wargeyska alliwa, wakhigaas ka dib, waxa uu aassaassay shirkad ganacsi oo fadhigeedu ahaa Caasimadda  Hargeysa ee Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Muddo ka dib waxa uu shaqo ka hellay shirkaddii soo saari jirtay saliida ee la odhan jiiray  Arabian American Oil Company (ARAMCO)  oo ku taalay Dahraan ee dalka Sacuudi Arabiya, Dhowr bilood markay ka soo wareegtay waxa loo magacaabay Madaxa Turjubaanka waaxda sharciyada.

Sannadku markuu ahaa 1969-kii waxaa loo doortay duqa magaalada Hargeysa oo ahayd caasimada labaad ee midowgii Somaliya iyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Markii uu dhacay afgambigii taliskii siyaad barre waxa loo magacaabay danjiraha wadamada carbeed, dhowr sannadood ka dib waxa loo magaaabay in uu noqdo Agaasimaha Qorsheynta iyo Cilmi baarista ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Axmed waxaa lagu xukumay saddex sannadood iyo lix bilood, isla markaana lala wareeho dhamaan hantidiisa, kaasoo lagu soo eedeeyey in uu ku lug lahaa eedaymo ka soo horjeeday gollihii sarre ee kacaanka sannadku markuu ahaa 1972-ii illaa iyo 24 bishii 11-naad ee sannadkii 1974-kii.

Markii uu ka soo baxay xabsiga waxa uu u fakaday dalka Jabuuti 18-kii bihii 2-aad ee sannadkii 1975-kii, waxaanu u siii dhaafay dalka Sacuudi Arabiya oo uu ku joogay Magan galyo siyaasaddeed, ka dib, 6-dii bishii 4-aad ee sannadkii 1981-kii markii la aassaassay Ururkii (SNM) waxa loo doortay in uu noqdo gudoomiyaha ururka dhaqdhaqaaqa wadaniga soomaaliyeed ee (SNM), sannadku markuu ahaa Bishii 10-naad ee Sannadkii 1981-kii-ill iyo Bishii 2-aad ee Sannadkii 1982-kii, wakhtigaas oo muddo xilkeedka guddoomiyuhu uu ahaa hal-sanno.

Axmed (AHUN) waxa uu geeriyooday 31-kii bishii 12-ad sannadkii 1991-kii,  waanu guursaday laba haween ah, waxaanu ka tagay wiil iyo laba-hablood.

 

Qoraa: Maxamed  Faarax Qoti

Sunday, September 13, 2020

Warbaa Jira Aan La Baahin, Waxbaa Jira Aan La Sheegin


Mudo haatan laga joogo 28-Sannadood iyo waxoogaa war baa jiray aan la baahin, waxbaa jiray aan la sheegin, heeso ayaa jiray ay ka xishoon jireen baahintooda wariyayaasha ka hawl-gala barnaamijyada  Dalabaadka Heesaha warbaahinta Maqalka-Baahiyaha ee Radio Hargeysa, sababo jiray awgood.

Markii uu talada dalka la wareegay Madaxweynihii labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, M.X.I. Eggal lagama baahin jirin warbaahinta Maqalka-Baahiyaha ee Radio Hargeysa, heestan tidhaahda, Waadigan’se liitee, leexadu ku sidatee hadba laan cugsanayee.

 

Markii uu ku guuleysatay hoggaaminta talada dalka Mudane, Daahir Rayaale Kaahin waxa jiray laba heesood oo aan laga baahin jirin warbaahinta Maqalka-Baahiyaha ee Radio Hargeysa, heesta tidhaahda, Daahir, aramadaadiidii waxay uurka jiifataba afka aan ka dhowraba ka adkeysan waayee, iyo heesta tidhaahda Xilkaanu kuu dhiibanee, Naf iyo dhimashaba lahaa.

Ka dib, markii uu ku guuleysatay hoggaaminta talada dalka Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa jiray sadex- heesood oo aan laga baahin jirin warbaahinta Maqalka-Baahiyaha ee Radio Hargeysa, heesta tidhaahda, Sumal yahow Darbani, naylaha duduuc, oo dacawadii dabada hunbulneyd yey kaa daldalan, heesta labaad ee tidhaahda, Nin agoon ku xaday qalin qaaxo kama fogaadee… iyo Heesta saddexaad ee tidhaahda, Siyaasadii dibadiyo, Dalkiyo tii tiil gudaha.....

Isla wakhtigan uu ku guuleysatay hoggaaminta talada dalka Mudane, Muuse Biixi Cabdi waxa jiray afar heesood oo aan laga baahin warbaahinta Maqalka-Baahiyaha ee Radio Hargeysa, heesta tidhaahda, korneyladii dhaartayow, dharaar yaable baad baxdeen, dhulkiinaad u hiiliseeneey dhurta, walaalayaal dhurtoo midhkaa dhacay ha guranina iyo heesta labaad ee tidhaahda.

Aduunbaan wax dhaadinee
Anba dhibaha jilaal
Xilliyadaan is dhalan rogey
Dhibta kaa illaashee
Dhaxanta iyo abaaraha
Kaa dhowrey adigoo
Dhito subag lo\'aadiyo 
Ku cabsiiye dheydoo
Yey dhicin intaan lahaa
Dhugan waayey teydoo
Dheel-dheeli awgaa
Igu dhaafey maalmuhu

Igu dheeridaa

Ma dhul gaaxdey baad tahay
Mana soo dhawaatidee
Ma midaad u dhalataa.

Sidoo lay dhiijaan wali
Kugu dul dherersanahayoo
Aduun baan ku dhawraa
Dhanna kaama aadee

Dhillow yahan sidiisii
Intaan kugu dhaloollaa
Dhexda kugu duubnaa
Haddaan dhagaxa tuujo

Ammaa aan dhulkaba qodo
Dhirtaa ii magooshaa 
Dheef noqon lahaydoo
Dhexda maan ka liiceen
Igu dheeridaa

Igu dheeridaa
Ma dhul gaaxdey ba tahey
Mana soo dhawaatidee
Ma midaad u dhalataa,

 

Dhabaduu u seexdaan
Dhibanaha iska qaadoo
Dhulka kaa jiraan ahay 
Dhaxan tiyo dugaago

Anoo dheel arooryaad 
Dharabtiisa igu taal
Dhab markaa u toostaad
Dheeraad igu fashaayoo

Dhaxal kayga uma helo
Sidaan kuugu dhiibtoo
Hadda dhimashadayda 
Dhagartaada weeyoo

Igu dheeridaa
Ma dhul gaaxdey ba tahey
Mana soo dhawaatidee
Ma midaad u dhalataa.

Marka aynu ka nimaadno labadaa heesood ee aynaan halkan ku xusin iyo labadan Xisbi ee kala ah, Xisbiga tallada dalka haya ee Nabada, Midnimada iyo Horumarka (KULMIYE) oo afka-qalaad loogu yeedho Peace, Unity and Development Party (PUD) Xisbigan oo aaminsan afkaarta iyo mabaadii’da ku salaysan dimuqraadiyadda aan ka hor imanayn shareecada islaamka, kaasoo la aassaasay bishii May Sannadkii 2002-dii iyo Xisbiga CADAALADA IYO DARYEELKA ee (UCID) oo afka qalaadna loogu yeedho Justice and Welfare party (JWP) xisbigan siyaasiga ah oo aaminsanaa afkaarta iyo mabaadii’da ku salaysan dimuqraadiyadda ee aan ka hor imanayn shareecada islaamka, kaasoo la aassaassay 18-kii bishii Siddeedaad ee Sannadkii 2001-dii.

Waxa kale oo ku lamaanaa Xisbi siyaasadeedka WADDANI ee aaminsan afkaarta iyo mabaadii’da ku salaysan dimuqraadiyadda aan ka hor imanayn shareecada islaamka, Xisbigaas oo la aassaassay taariikhud markay ahayd 6-dii bishii 10-aad Sannadkii 2011-kii.

Mudadaasi waxa jiray heeso ay ka xishoon jireen baahintooda wariyayaasha ka hawl-gala barnaamijyada dalabaadka heesaha warbaahinta Maqalka-Baahiyaha ee Radio Hargeysa, heesta tidhaahda,

Waa loo dhashaa wadani 
Mise waa la iska dhigi karaa wadani
Waa loo dhashaayee sideebaa
la iskaga dhigi karaa Wadani

Kuwii ku dhaantee 
Gobonimada dhowra
Xilka dhabarka saaray 
Kuwa dhuuni raaca 
Dhadhamo raaca 
Haddana is dhuuba 
Sideebaa, dhakhso, loogu, kala, gartaa.

Waa loo dhashaa wadani 
Mise waa la iska dhigi karaa wadani
Waa loo dhashaayee sideebaa
la iskaga dhigi karaa Wadani

Ruuxii dhulkiisaa u dhaarsanaayee 
ee u soo dhibtooda, u soo dhibtooda
Ee dhaqaalihiisaa iyo dhaxal galkiisaa 
Waligii dhisaayee dheeliga u diidoo
Dhidiba u adkeeya Iyo kii dhankiisaa 
Guryaha dhexdeena ku dhuumanaaya
Waa dhowr wajiilaha
Waa dhunkaal qudhqudhiya 
Waa dhiig ku naaxaha 
Ay dhimashadiisuu
Noloshiisu dhaantoo 
Labadaba Dhulkaa og 
Dhirtaa og, Dhagaxaa og 
Dhoobadiyo ciidaa og
Dharkeysitaan iyo dhuunigay cunaan

 

Haddaba dhibic ka mid ah sheekadan waxaan u dhaafayaa dadweynaha inta badan xiiseeya akhriska qormooyinka lagu baahiyo Wargeysyada madaxabanaan iyo Baraha Xuubka Caarada, Waa kuwee  Afartaa heesood ee hadhay?

 

Qoraa: Maxamed Faarax Qoti

mfqoti@gmail.com

Hargeysa/ Somaliland

Thursday, August 20, 2020

“Yuusuf”, “Yuusuf Laguma Yidhaa”

 

  Sheeko Kale:

 

Nin Bare ka ahaan jiray dugsi  lagu baran jiray  Aqoonta Islaamka iyo afka Carabiga oo ku yaalay Dalka Jabuut.

 

Maalin maalmaha ka mid ah oo amintu ay ahayd goor barqo ah, Barahaas oo ku guda jiray hawl-maalmeedkiisii wax-dhigista oo uu ku feegarayo sabuuraddii ay ardeydu wax ku baran jirtay,  waxa u soo galay oo soo garab joogsaday, Nin gaaban oo midabkiisu maariin xigay.

 

Ka dib, Barihii markii uu dareemay sanqadhii ee uu soo jaleecay, waxa uu arkay Nin gaaban oo garab taagan.

 

Ninkii gaabnaa baa ku yidhi:- “ Magacaa”, Barihii waxa uu ugu Jawaabay, “ Yuusuf”, waxaanu ku yidhi Ninkii gaabnaa, isagoo farta lulaaya, “ Yuusuf, Yuusuf laguma yidhaa” waxaanu isku malmalay kadinkii uu ka soo galay, waanu iska tagay Ninkii gaabnaa.

 

Yuusuf waxba muu dhaadin wakhtigaas, laakiinse, saddex-sannadood ka dib, markii uu ku soo laabtay Ninkii gaabnaa ee uu weydiiyey  magaciisa, Yuusuf oo ardeydii wax u dhigaaya, ayuu qaatay dareen xoog leh.

 

Saddex-sannadood ka dib, ayuu ku soo noqday  oo uu soo hor-joogsaday dugsigii uu Yuusuf wax ka dhigi jiray,  Yuusuf waxa uu arkay ardeydii oo mar-qudhaata wada jaleecday kadinka qolkii ay wax ku baranayeen, isla markiiba, Yuusuf waxa uu u cago-duwaday dhinacii kadinka  ee uu taagnaa Ninkii gaabnaa, ka dib, markii uu arkay Yuusuf waxa ku dhacay dareen naxdin leh, tollow maantana muxuu ku odhan doonaa?

 

Ninkii gaabnaa ayaa afka luuqada faransiisku ku yidhi isagoo dhankaa bari eegaaya :-  Keen sharcigii aad dalkan ku joogtay? Ka dib, haddana, waxa uu raaciyey ciidankiiyow.

 

Isla markiiba, waxa soo joogsaday gaadhi ay saarnaayeen ciidanka illaalada xuduudaha iyo isku socodka oo qaaday macalin Yuusuf, waxaanu Ninkii gaabnaa ku yidhi:- “ Annaa kaa daba keenaaya wixii magaalada kaaga daadsanaa.

 

Gaadhigii la saaray markii uu gaadhay xuduuda u dhaxaysa Jabuutiy iyo Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayuu soo garab joogsaday Ninkii gaabnaa oo laba shandood walwaalaya iyo shandad yar, waxaanu yidhi:- “ Ninkaa gadhka weyn leh soo jeediya, markii Yuusuf soo jeedsaday waxa uu ku yidhi:- Hoo waatan Alaabtaadiiye, shandaddaa yarna waxa kuugu jira Lacagtii magaalada kaaga daadsaneyd.

 

Sidaas buu Yuusuf ku soo galay dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu Tukaan ka furtay tuulada Gadhyogol oo dhanka koonfur galbeed kaga beegan Caasimada Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu tukaankaas u furnaa muddo toban sannadood ah,

 

Maalin maalmaha ka mid ah oo ay ammintu ahayd aroor hore oo qoraxdu liiqa ka soo wada baxday, jawiga cirkuna ay ku shaqlanaayeen daruuro riman iyo kuwo soo hoorayey, oo ay dhacaysay dabayl goos-goos ah oo xanbaarasaneyd neecow qabow oo ay naftaadu ku raaxaysanayso, indhahuna aanay ka daaleyn muuqaalka dhirta cagaaran ee ku yaalay tuulada Gadhyogol.

 

Waxa iridii hore ee tukaanka  laag ku furay Sheekh Cumar oo feedho qaawan, waxaanu digaan-digaha ka dhigay dhamaan agabkii, maacuunkii, iyo raashinkii kale ee yaalay tukaankii, Yuusuf oo dhex hurda, ka dib, Sheekh Cumar inta uu gacan qabtay, ayuu ku yidhi:- “ Cali kaboole inna mari”.

 

Sheekh Cumar sidii uu gacanta u soo jiidayey, ayuu keenay tuulada Xaraf ee hadda uu ku yaalo Maqaamka lagu siyaarto Sheekh Cumar, halkaas ayaanu fadhiyi jiray Cali kaboole, waxaanu caan ku ahaa Cali kaboole wuu cagaagnaan jiray, labadiisa kaboodna waxa uu ku qaadan jiray labadiisa suxul, sidaas ayuu magaciisii Yuusuf iskugu badalay Cali Kaboole.

 

Qoraa Maxamed Faarax Qoti

Xigasho Oday ka sheekee

Tuesday, March 31, 2020

Jiqluhu Waa Wareer Iyo Wed Wadajira


Madaxweynihii hore ee dalka mareykanka Mr. Ubama iyo Madaxweyne hadda haya talada dalka mareynkanka Mr. Trump,  waxay kala aaminsanaayeen laba fikradood oo aad u kala durugsanaa, fikradahaas oo ahaa dhinaca ka hortaga cudurada faafa iyo bani’aadannimada, Madaxweynihii hore ee dalka Mareynkanka Mr.Ubama waxa uu ugu deeqay deeq lacageed oo gaadhaysay 4.64- bilyan oo dollarka mareykanka ah, in lagaga hortago xakameynta cudurka Ebolla ee ka dilaacay wadamada Guine, Zaire, Liberia, Congo Brazzaville, Republic Democratic of Congo, Uganda, South Sudan, Gabon, si aanu ugu faafin cudurkaas wadamada Aduunka.
Cudurkaas waxa lagu qiyaasay in uu aafeeyey dad tiradoodu gaadhaysay 28,610,- qof, halka ay u dhinteen dad tiradooda lagu qiyaasay 11,308,-qof, ka dib, waxa lagu xakameeyey cudurkaas dadaalkii uu muujiyey Madaxweyne Ubama oo ahayd Indheer-garadnimo (Proactive Leaders),  fikirkaas ayaa sabab u ahaa xakameynta cudurka Ebolla, kaasoo qaatay muddo aad u koobneyd.
Halka Madaxweyne hadda tallada dalka haya Mareynkanka ee Mr. Trumb, waxa uu u arkayey aragti taas ka duwan oo ahayd danno dhaqaale iyo in cudurka Jiqluhu ee afka qalaad loogu yeedho Covid 19 ay waxyeeladiisu ku koobnaan doonto dadka u dhashay dalka Jaynaha oo kaliyaata, kaasoo markiiba ku tilmaamay in cudurkaasi uu yahay Fayraskii Jaynaha ( Chine Virus), marnaba kamuu fikirin Madaxweyne Trumb in dhibta iyo waxyeelada cudurkaas ay ku faafi doono  203- wadan oo ka mid ah Dunnida.
Cudurka Jiqlaha ee afka qalaad loogu yeedho (Covid 19), waxa uu maanta halleelay dad tiradooda gaadhayso  828,305.- qof waxaanu sahayday dad tiradooda lagu qiyaasay 40,733,- qof, kaasoo aan la saadaalin karin inta uu sii socon doono cudurkaas, waxay arrintaasi ku tusinaysaa in had iyo goor fikradaha indhow-garadnimada ahi (Reactive leaders) ay sababto in ay waxyeelooyin soo gaadhsiiso, dhinaca kobaca dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo nollosha aadamaha.
Haddaba, waxa xuusuus gaar ah igaliye maalin maalmaha ka mid ah annagoo guddanayna  hawl maalmeed shaqo oo aanu ku qiimeynayney goobaha adeegyadda caafimaadka ee uu ka socdo mashruuca SHINE ee Gobolka Awdal.
Maalinkaas markii aanu soo dhameynay hawl-maalmedkayagii shaqo ee aanu ku soo aadaneyn magaalo madaxda Gobolka Awdal,  kooxdayadaas oo  marayey  magaalada kalabeydh, ayuu si kadis ah ugu soo booday xannnuunka xiiqda loo yaqaan ee afka qalaad loogu yeedho “ Asmathics”, dhakhtarad ka mid ahayd kooxdii aan ka tirsanaa ee kormeeraysay mashruucaas.
Firkanaxii iyo naxdintii ayuu wadihii waday gaadiidkii ay saarneyd uu ku kordhiyey xawliga xawaarihii uu jarayey markii hore, ka dib markii wax ka yar 10-daqiiqadood gudahood ay ku yimaadeen  Cusbitaalka Boorama, Dhakhtaradaas oo hawo qaadashadeedu ay dhib ku ahay, ayaa haddana la waayey shaqaalihii ku qornaa qaybta hawo qaadashada ee Cusbitaalka Boorama, waxa haddana si kadis ah loola cararay  cusbitaal ka mid ah cusbitaalada gaarka loo leeyahay ee ku yaala Boorama, cusbitaalkaas oo uu yaalay qalabka keydka hawda qaadashada macmalka ah ee lagula tacaala badbaadinta dadka neef qabatimooba, isla markaana, sidaas ayaa lagu badbaadiyey inantii dhakhtarada ahayd ee ka tirsaneyd kooxdii aan ka tirsanaa.
Kama tagana cudurka Jiqluhu neef-qabatimow, kaasoo hawl-gab ka dhigaya tamarta awooda hawo qaadashada sambabada qofka, isla markaana qofka uu halleelo cudurkaas waxa dhib ku noqonaysa awoodda hawo qaadashada, sambabada, waxaanu qofku u baahan yahay in uu hello qalabka hawda qaadashada macmalka ah ee lagula tacaalo badbaadinta dadka neef qabatimooba, laakiinse, haddii uu waayo hawadaa macmalka ah muddo Lix ilbidhiqsi ah, waxa ku imanaya neef-qabatimow uu ku naf-waayayo qofku,  .taasaana sabab u ah  dadka u dhimanaaya cudurkan Jiqlaha ee afka qalaad loogu yeedho (Covid 19-ka).
Haddaba, marka aynu eegno dhinaca siyaasadda Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, waxay dhigaysaa, in bulshadu Somaliland ay hellaan daryeel caafimaad oo hufan oo ay awoodi karayaan, isla markaana, si loo  yareeyo xannuunada , si ay bulshada u noqoto bulsho caafimaad qabta oo ka fayow dhamaan cudurada faafa iyo kuwa aan faafin, kuna noolaadaana  deegaan nadiif ah,
Waxa maanta inoo muuqata qaabka ay u wajaheen ka hortaga cudurka Jiqlaha  in aanay jirin qorshihii xeeladdeed ee lagaga hortagaayey cudurkan iyo nidaamkii diyaar-garowga ka hortaga faafitaanka cudurka Jiqlaha ee aafeeyey wadamo badan oo ka mid ah Aduunka.

Waxa muhiim ahayd in diiradda la saaro kor u qaadida awooda qaybinta agabka ka  hortaga cudurkaas,  si degdeg ahna loo sameeyo goobaha shaybaadhka lagu baadhayo dadka laga shakisan yahay in ay qabaan cudurkaas oo ah heer tuulo, heer degmo iyo heer gobol, in la hello qalabka shaybaadhka ee PCR iyo Coronavirus rapid test, lana sameeyo goobaha adeegyadda caafimaadka ee  lagu karatinimeynayo qofka xannuunku ku cusub yahay, isla markaa ay  goobahaasi ahaadaan qolal kala gaar gaar ah, qolal kaas oo yaalaan qalabka ugu haboon ee ka hortaga cudurka, lana hello qalabka hawo qaadashada macmalka ah ee loogu tallo galay in lagula tacaalo dadka neef-qabatimooba  (Oxygen) iyo xirfadlayaal caafimaad oo lagu tababaray ka hortaga cudurka Jiqlaha,  xeeladdaas waa habka ugu haboon ee lagu samoto bixin karo badbaadada dadka uu cudurkaas ku dhaco, lana dajiyo siyaasadda iyo xeerarka lagu hagaayo ka hortagaayo cudurada faafa.


Marka aynu ka nimaadno xeeladdahaas lagaga hortagaayo cudurka Jiqlaha, haddana,  waxa jirta arrin aan aad loo lafa-gurin go’aan qaadashadeeda taasoo ahayd, go’aankii lagu qaatay in dad bukaan jiif ah oo yaalay cusbitaalka qaaxada ee caasimadda Hargeysa looga saaray dadka soo bukoon doona ee uu ku dhici doono cudurka Covid-19-ka.

Inkastoo ay wali jiraan 16-bukaan jiif ah oo ku jira qaybta karantiimada dadka la qabatimay daawada  cudurka qaaxadda ee (MDR-ka),  balse, waxa la kala diray 81- bukaan jiif ahaa iyo 522 – bukaan socod ahaa oo la siiyey muddo 30-cisho daawadii in ay u qaataan guryahoodii, dadkaas oo ah dadka ugu nugul haddii uu halleelo cudurka dunida ku faafay ee Covid 19-ka.

Dhinaca kale, marka aynu eegno talaabo kasta oo go’aan qaaasho leh,  waxa haboon in aad looga taxadiro, lana qiimeeyo saameynta ay yeelan doonto iyo faa’iidada ay leedahay, isla markaana lagu sameeyo isbarbardhiga faa’iidada iyo khatarta ay leedahay, ka dibna, la qaato haddii ay faa’iidadu badan tahay oo aanay khatareedu yar tahay.

Haddaba, marka aynu eegno arrintan  waxa badan khatarta ay leedahay in cusbitaalkii qaaxada laga dhigo cusbitaalkii karantiimada cudurka  Jiqlaha ee afka qalaad loogu yeedho (Covid 19), sababtoo ah, maaha cusbitaal ku haboon in la dhigo dadka uu ku dhici doono cudurkaas, waxaanu ku yaala badhtamaha Caasimadda Hargeysa.

Waxa  khatar kale ah,   603- bukaanka ah in  ku dhawaad 214-qof ayaa ahaayeen kuwo laga hellay  xaakadooda cudurkaas, kuwaa aanay is badelin xaakadoodu ee ku laabtay qosaskooda, waxay si fudud  ugu gudbin karaan xannuunkii, waxaana dhici karta in cudurkii qaaxaduu sidaas uu ku sii fido korodhka dadka qaba cudurkaas, waxa kale oo iyadu khatar kale ah dhamaan bukaankaas haddii ay si toos ah u qaadan waayaan 30-kaa maalmood daawadii la siiyey, waxay arrintaasi sababi doontaa in uu sii kordho dadka la qabatimay daawada qaaxada ee Multi-drug resistant (MDR). 

Cudurka qaaxadu waxa uu ka mid yahay cudurada la iskugu gudbiyo hawo qaadashada, ee afka qalaad loogu yeedho  (Air-bone disease) waxanu gaar ahaan waxyeeleeyaa sanbabada,  kaasoo sii gaadhsiiya  waxyeellooyin  kale, maskaxda, qanjidhada, kalyaha, lafaha iyo kala-gooysyada, waxaana lagu qiyaasaa celcelis ahaa in 100,000-ba  ay qabaan 324-qof oo ay da’doodu u dhaxeyso 15-jir  illaa iyo 34- jir  dadka   Jamhuuriyadda Somaliland.

Maxamed Faarax Qoti