Posts

Showing posts from March, 2019

Muxuu Alle (SW) Kala Hadlaa Muruqan-Yar ? Q/2-aad

Image
(“ Waxa jira cudurro ku dhaca wadnaha oo faafa, oo la’kala qaado, waxaana ka mid ah…..”) Wadnuhu waa xubinta wax urrisa, waxaanu leeyahay luuqad dareen oo uu ka fahmi karo indhaha qofka kale waxa uu jecel yahay, hadalka ka soo baxa wadnaha wuxuu si toos ah saameyn ugu yeeshaa wadnaha   dadka kale, sababtoo ah waxaa ku wareegsan dareen daacad ah, erayada aan caqli-galka ahayn ee isla-hadalka waalidu waxay ka yimaadaan wadnaha (Qalbiga), wuxuuna soo celceliyaa fariimaha qaaliga ah ee wanaagsan iyo fariimaha murugada xanbaarsan ee soo gaadhayey qaybta xog ururinta keydka xusuusta wadnaha, waxaanu ku koraa maqalka dareenka codka dikriga leh. Muruqan-yari waxa uu leeyahay dareeno badan oo ay ka mid yihiin, d areenka cabsida, dareenka cadhada,   dareenka murugada, dareenka hamada, dareenka farxada, dareenka warwarka, dareenka lagu kala saaro midabada, hadalka, suuragalnimada, runta, beenta, garashada waxa saxda ah iyo waxa khaldan, waxa kale oo uu   leeyahay hab u...